shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dagaal xooggan oo u dhexeeya Ciidamada Ethiopia iyo kooxaha ka horjeeda ayaa ka dhacay deegaanka Towfiiq.

(Muqdisho, May 24,  2008 Ceegaag Online)

Dagaalka oo mudadii uu socday la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa la sheegay in uu ka qarxay Isgoyska Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan 5 qof oo sadex ka mid ah ay yihiin askarta Ciidamada Ethiopia ayaa ku dhintay dagaalka saaka ka qarxay Degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho

Kooxaha ka horjeeda siyaasadda dowladda iyo joogitaanka ciidaamda Itoobiya ayaa weerar waxa ay ku qaadeen isgoyskii hore ee Taleefishinka halkaas oo fariisin ay ka dhigteen ciidamo ka tirsan dowladda federaalka KMG kadib markii ay isgoyskaas ku bateen qaraxyada lala beegsado ciidamada Itoobiya ee wadadaas isticmaala.

Ciidamada Itoobiya ee xarunta ku leh garoonka ciyaaraha ayaa dagaalka kadib isku balaariyey xaafadaha ku teetsan deegaanka Towfiiq iyagoona halkaas baaritaano ka bilaabay.

Lama sheegin dad ay ku soo qabqabteen baaritaanada ay dagaalka kadib ciidamada Itoobiya deegaanadaas ka fuliyeen, waxaana wararku sheegayaan in xaaladda deegaanadaas ay iminka tahay mid deggan.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com