shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Cutubyo ka tirsan ciidamada Ethiopia ayaa mar kale dib ugu laabtay xeradii Maslax oo bilo ka hor ka guureen.

(Muqdisho, May 06,  2008 Ceegaag Online)

Ciidamadaan oo wata dabaabadaha dagaalka ayaa la sheegay in ay ka yimaadeen dhinaca degmada Balcad halkaas oo ay xalay soo gaareen, waxaana ciidamadaan ay markiiba xirteen wadada aada gobolka Sh/dhexe taas oo isku xirta magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka Soomaaliya.

Ma cadda ujeedada ka dambeyasa in ciidamada Ethiopia ay dib ugu laabtaan xerada Maslax oo kal hore ay isaga bexeen, hase ahaatee dib u soo laabashaooda waxaa welwel xooggan ka muujiyey dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanka Suuqa xoolaha oo ku dhow xerada Maslax.

Guud ahaan waxaa maanta xiran wadada aada gobolka Sh/dhexe, mana jiro wax gaadiid ah oo halkaas isticmaalaya wixii ka dambeeyey markii ay ciidamada Ethiopia dib ugu soo laabteen xerada Maslax.

Dagaallo ayaa laga cabsi qabaa in ay ciidamada Ethiopia ee fariisinka ka sameystay deegaankaas ku dhexmaraan iyaga iyo kooxaha ka horjeeda, maadaama ay kooxaha joogitaanka ciidamada Ethiopia ka horjeeda ku xooggan yihiin deegaanka Suuqa xoolaha.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

 

  

webmaster@ceegaag.com