shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ciidamada Ethiopia oo saaka howlo baaritaano ka sameeyay gudaha Magaalada Baydhabo.

(Baydhabo, May 19,  2008 Ceegaag Online)

Wararka laga helayo magaalada Beydhabo ayaa sheegaya in guud ahaan uu istaagay dhaqdhaqaaqii ganacisga iyo isu socodkii gaadiidka ee xaafadaha magaalada Beydhabo, waxaana la sheegayaa in ciidamada Ethiopia oo ay wehliyaan kuwa dowladda ay isku fidiyeen waddooyinka muhiimka ah ee magaalada.

Ma cadda sababaha ka dambeeya in ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda ay isku fidiyaan waddooyinka magaalada Beydhabo, hase ahaatee warar ayaa sheegaya in howlgalkaan uu salka ku hayo baaritaano ay ciidamada Ethiopia ku bartilmaameedsanaayn waxyaabaha qarxa oo lagu aasay waddooyinka magaalada Beydhabo.

Dadka ku dhaqan magaalada Beydhabo ayaa walaac xooggan ka muujiyey howlgalada ay ciidamada Ethiopia ka sameeyaan magaalada Beydhabo iyagoo sheegay in ciidamada Ethiopia ay maalmihii ugu dambeeyey bartilmaameedsanayeen dadka shacabka ah taasna ay cabsi iyo welwel gaar ah ku beereyso dadka ku nool magaalada Beydhabo.

Howlgalka saaka ay magaalada Beydhabo si wada jir ah uga sameynayaan ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda ayaa ah mid kamid ah howlgaladii ugu balaarnaa oo ay ciidamadu ka sameeyaan magaalada Beydhabo ee xarunta gobolak Bay.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com