shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ururka waddaniga Soomaaliyeed

(Holland, March 19, 2008 Ceegaag Online) 

Qof kasta oo Soomaali ah  haddii aad weydiiso sida ay ugu muuqato iyo dareenkiisa ku wajahan  dhibaatada ka aloosan dalkiisa wuxuu la soo boodayaa  waan ka xumahay waana ka saari lahaa haddii aan ogahay si aan u saaro.

Soomaali badan oo indheergarato iyo aqoonyahano ah ayaa waddankeena ka buuxa, waxayse u muuqdaan Soomaalidaas maadaama aysan bulshada ka dhex muuqanin dad quustay oo aan garaneynin meel ay wax ka bilaabaan iyo sidii ay musiibadan dabada dheeraatay waddankooda uga saari lahaayeen, haddiise inta caqliga iyo fekerka  leh ay faraha ka laabtaan badbaadinta waddankooda yaa badbaadinaaya oo maatada iyo carruurta Soomaaliya u gargaaraya, waxkasta bilow iyo dhammaad ayay leeyihiin, dabkan holcaaya dad Soomaaliyeed ayaa shiday dad Soomaaliyeedna waa baqtiin ama damin karaan, waa nacasnimo iyo dadnimo la’aan haddii faraha laga laabto xaalka Soomaaliya, waa qasab in xal si dhaqso ah loo helo, arrinta Soomaaliya meesha ay maanta marayso waa wax aan haba yaraatee indhaha laga qabsan karin.

Aniga waxaan qabaa in taladan soo socda ay wax beddeli  karto:

        1- In la aasaaso urur moraal ah uu qof kasta oo Soomaalinimada daacad ka tahay isla markaana dhibsanayo xaalka maanta waddankeena ku sugan yahay oo diyaar u ah in waddanka Soomaaliyeed ka dhalato nabad iyo barwaaqo, ururkaas oo la yiraahdo Waddaniga Soomaaliyeed

        2- In qof kasta oo Soomaali ah xil iska saaro sidii uu meesha uu ku nool yahay ama gudaha Soomaaliya ama dibeddiisaba uga abaabuli lahaa samaynta ururkaas iyo ururin waddaniyiinta diyaarka u ah badbaadinta waddankooda, figrada waddaniyiintana la aruuriyo.

        3-In dadka waddaniyiinta ah  ee  xubnaha ka ah  ururka waddaniga ay xor ka yihiin sheegasho qabiil iyo midab ama magac kala sooc ka dhex abuurma  dadka Soomaaliyeed.

        4- Ururka waddaniga Soomaaliyeed waa in uu khilaafka iyo kala aragtida  uu ku xaliyaa habka  wadahadallka (dialogue).

        5- In  dadkii  bulshada Soomaaliyeed dembiga ka galay faraha laga qaado, labo sabab awgeed:

B.Qofkii dembi galay Ilaahay ayaa xisaabinaaya, marka in Ilaahay loo daayo,

T. Iyo in aan daba raacooda lagu mashquulin waayo waqtiga ayay naga luminyaan.

6- Dhammaan qalabka warbaahinta sida raadiyaha iyo internetka bogagga Soomaaliyeed ay gacan weyn ka qaataan sidii loo baraarujin lahaa loona wacyigelin lahaa xubnaha ururka waddaniga .

7- In dhammaan xubnaha ururka ku jira aysan cidna wax ka sugin talo in ay san ka qaadan oday dhaqan iyo qabqable qabiil taladana ay Rabbi saartaan kuna  shaqeeyaan iskaa wax u qabso ayna u tafaxaytaan sidii ay waddankooda iyo bulshadooda u badbaadin lahaayeen.

Ururkaan oo ulajeedadiisu tahay in bulshada Soomaaliyeed lagu kiciyo rajana  lagu abuuro si u soo noolaato qaranimadii shacabka Soomaaliyeed.

Zahra Abdi Hers

Holland

umubakar@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com