shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Obasanjo oo Beesha caalamka iyo ururka midowga Afrika ku eedeeyey in ay indhaha ka laabteen dhibaatooyinka ka dhacay dalka Soomaaliya.

(Nairobi, March 31, 2008 Ceegaag Online)

Madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Olusegun Obasanjo ayaa ku eedeeyey beesha caalamka iyo dalalka Afrika in ay ka gaabiyeen wax u qabashada dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan gudaha dalka Soomaaliya.

Obasanjo oo la hadlayey wakaaladda wararka ee dalka Nigeria ayaa sheegay in beesha caalamku ay ku guuldareysteen in ay wax ka qabtaan dhimashada ku sii kordheysa dalka Soomaaliya, isagoo ku canaantay in ay indhaha ka laabteen dhibaatooyinka ka jira dalka Soomaaliya.

"Ururka Afrika wuu ka gaabiyey wax ka qabashada dhibta ka jirta Soomaaliya ee maalin walba sii kordheysa, waa in uu ururku la yimaadaa isbadal si wax looga qabto xaaladda dalka Soomaaliya" ayuu yiri Mr. Obasanjo.

Caruur iyo Haween ayuu sheegay in maalin kasta ay si joogta ah ugu dhintaan dalka Soomaaliya taasna ay tahay mid aan indhaha laga qarsan karin oo ay u baahan tahay in beesha caalamku ay wax ka qabato si loosoo afjaro dhibaatooyinka aan dhamaadka laheyn ee ka jira Soomaaliya.

Obasanjo wuxuu tilmaamay in haddii beesha caalamku indhaha la laabato dhibaatooyinka iyo dagaalada ka jira Soomaaliya ay ku baahi doonaan qaaradda Africa taasna ay dhibaato ku noqon doonto dunida inteeda kale.

Hadalkan ayuu kaga dhawaaqay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaas oo uu kaga qeyb galay shir looga hadlayey kobcinta dhaqaalaha dalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

 

  

webmaster@ceegaag.com