shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa uga digay ganacsa-tada gobolkaas in ay soo geliyaan lacagha faalsada ah ee la been abuuray.

(Baledweyne, March 19, 2008 Ceegaag Online)

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed ayaa shir jaraa'id oo uu maanta ku qabtay magaalada Baledweyne waxa u sheegay in ciddii lagu arko iyagoo lacago faalso ah keeneysa gobolka ganaax lagu qaadi doono islamarkaana maamulku uu talaabo adag ka qaadi doono.

"Waxaan ganacsatada iyo milkiilayaasha gaadiidka uga digeynaa in ay gobolka keenaan lacago faalso ah, maamulku ciddii uu ku arko talaabo cad ayuu ka qaadayaa" ayuu yiri Yuusuf Dabageed guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Yusuf Dabageed wuxuu ku eedeeyey ganacsatadu in ay mas'uul ka yihiin sicirbararkaka jira gobolka Hiiraan, isagoo uga digay in ay diidaan lacagaha duugga ah taas oo uu sheegay in ay dhibaato ku tahay shacabka maamulkiisa aanu arintaa ogolaan doonin.

Sicirbarar saameeyn ku yeeshay dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan guud ahaan dalka Soomaaliya ayaa hadda ka jira dalka, waxaana dadka Soomaaliyeed badankood ay eedda dusha kaga tuurayaan ganacsatada Soomaliyeed oo ay ku tilmaameen kuwo aan arxan laheyn

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

 

  

webmaster@ceegaag.com