shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Goob Ciyaaraha lagu daawado oo xalay bam gacmeed lagu tuuray Degmada Afgooye.

(Afgooye, March 20, 2008 Ceegaag Online)

Kooxo aan la garan ayaa xalay bam nooca gacanta laga tuuro waxa ay la beegsadeen goob aflaanta laga daawado halkaas oo la sheegay in uu khasaare ka dhashay.

Mid kamid ah dhalinyardii daawaneysay shineemada ayaa ku dhintay qaraxa bam halka ay ku dhaawacmeen 5-qof oo dhalinyaro ah kuwaas o dhaawacooda la dhigay isbitaalka degmada Afgooye.

Mid kamid ah 5-qof ee dhaawaca ah ayaa xaaladiisa caafimaad laga deyrinayaa markii ay si xun u waxyeeleysay qaraxa bambada lagu tuuray goobta aflaanta lagu daawanayey.

Kooxo aan la garaneyneyn ayaa dhawaan waraaqo digiin ah oo ay kaga horjeedaan goobaha aflaanta waxa ay daadiyeen gudaha degmadaas iyaga oo uga digay milkilayaasha shineemooyinka in ay baqtiyaan goobaha aflaanta.

Dhowr goobood oo aflaanta lagu daawan jiray ayaa qaraxyo lala beegsaday halkaas oo ay dadna ku dhinteen kuwana ay ku dhaawacmeen.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

 

  

webmaster@ceegaag.com