shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dowladda Federaalka iyo Mucaaradkeeda oo Barito Shir uga Furmayo magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

(Nairobi, March 28, 2008 Ceegaag Online) 

Caasimada Dalka kenya ee Nairobi ayaa la filayaa in uu ka furmo Shir balaaran oo dib uheshiisineed oo ay is kugu imaanayaan Wafuud kala gadisan oo kala matalaya Dawlada Federaalka Somaalia iyo Mucaaradka fadhigoodu yahay Dalka Eritrea

Shirkaan ayaa la filayaa sida warar soo baxaya ay shegayaan in uu maalin nimada baritaa ka furmo Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Kulankaan ayaa ah mid dib uheshiisineed oo labada dhinac ee Dawlada Federaalka iyo Mucaaradkeeda lagu dhex dhexaadinaayo.

Waxaa maanta Airboorka Jomma Kenyatta International Airport kasoo dagay Wafdi balaaran oo Mucaaradka Dawlada Somaaliya ah ayna hogaaminayaan Shariif Xasan Shiikh aadan Gudoomiyahii hore ee Barlamaanka Somalia iyo Wasiirkii Hore Arimaha Dibada Maxkamadihii Islaamka ee laga itaalka Ronaaday Pro Ibraahim Ahmed Cadow iyadoo Sheekh Shariif Shiikh Axmed loo diiday inuu kasoo qeyb galo taasoo ay dowlada Mareykanka ku gacan seyrtay inuu yimaado dalka Kenya.

Wafdigaan Mucaaradka katirsan ayaa la dajiyey Hotelka Safari Park oo ku yaal Duleedka Caasimada Nairobi ee Dalka Kenya sidoo kale maalin nimada Baritaa ayaa la filayaa in ay Nairobi Soo garaan Wafdi Balaaran oo ka imaanaya dalka Eritrea.

Dhinaca Dawlada Federaalka Somalia ayaa haatan waxaa Nairobi ugu sugan Wafdi balaaran oo uu hogaaminaayo Ra'iisal wasaaraha Somaalia Nuur Xasan Xuseen Nuur Cade, Mas'uuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadiisa iyo Xildhibaano

Shirkan labada dhinac lagu dhex dhexaadinaayo ee lafilaayo in uu maalinnimada barito ka furmo magaalada Nairobi ayaa waxaa wada qorshihiisa Qaramada Midoobay oo ay horboodayaan Midowga Yurub.

Xubno uhadlay Mucaardka Dawlada Somaliya ee kusugan Nairobi ayaa sheegay in ay Nairobi ku yimaadeen Casuumaad ay ka heleen Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub.

Waxaa la sugayaa in magaaladaasi uu goor dhow soo gaaro wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Axmedou Ould Abdallah.

Halkan Hoose Ka Aqriso Maqaal Bishan 24-keeda kusoo Baxay Shabakadda ceegaag.com oo aan kaga hadleynay Kulankan bari qabsoomidoona.

http://www.ceegaag.com/Qoraalada/2008/March%202008/sheekh_shariif_iyo_shariif_xasan.htm

  

webmaster@ceegaag.com