shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dagaal qaraar oo Maanta ka qarxay Wadada Wadnaha ee Magaalada Muqdisho.

(Muqdisho, March 20, 2008 Ceegaag Online)

Dagaal qaraar ayaa maanta ka qarxay wadada wadnaha ee magaalada Muqdisho markii kooxaha ka horjeeda dowladda ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ciidamada dowladda ku lahaayeen wadada wadnaha ee magaalada Muqdisho.

Dagaalka oo markii hore ka bilowday isgoyska Howl-wadaag ayaa markii dambe ku fiday guud ahaan wadada wadnaha, waxaana muddo kadib halkaas la wareegay kooxaha ka horjeeda siyaasadda dowladda federaalka, iyadoo dagaalka uu u wareegay dhinaca isgoyska Xararyaale.

Wararka laga helayo goobaha uu dagaalka ka socdo ayaa sheegaya in ciidamo gurmad ah oo ka tirsan dowladda federaalka ay ku biireen dagaalka, waxaana hadda la maqlayaa rasaas xooggan oo ay labada dhinac isku adeegsasnayaan.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka inta uu gaarsiisan yahay sababo la xiriira dagaalka oo si xooggan uga soconaya wadada wadnaha iyadoo madaafiic habow ah ay ku dhacayaan degaano ay dad rayid ah deggan yihiin kuwaas oo aan la ogeyn khasaaraha ay geysteen.

Dagaalka iminka ka socda wadada wadnaha ayaa imaanaya xilli shalay oo dhan ay dagaallo ay dad badan ku dhinteen uu ka dhacay deegaanka Suuqa Xoolaha degmada Hurwaa ee magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

 

  

webmaster@ceegaag.com