shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Sargaal ka tirsanaa ciidamada nabad sugidda ayaa xalay lagu dilay magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Bay.

(Baydhabo, March 26, 2008 Ceegaag Online)

Sargaalka la dilay oo magaciisa lagu gaabiyey Shig-shigow ayaa waxaa toogasho ku dilay seddex nin oo ku hubeysnaa bistoolado kuwaas oo durba goobta ka cararay markii ay rasaas la dheceen sargaalka.

Sargaalka ayey kooxahaas hubeysan ku dileen meel aan sidaa uga fogeyn xarunta shirkadda isgaarsiinta Nation link halkaas oo uu markiiba ku geeriyooday waxyeeladii ka soo gaartay rasaastii ay la beegsadeen kooxaha hubeysnaa.

Goobta lagu dilay sargaalka waxaa markiiba soo gaaray ciidamada dowladda oo qaaday meydka sargaalka, iyagoo howlo u badan baaritaano goobta ka sameeyey.

Maamulka degmada Beydhabo ayaa sheegay in ay ku raadjoogaan kooxaha dilay sargaalka, iyagoo ku goodiyey in ay saacadaha soo aaddan gacanta ku soo dhigi doonaan kooxihi geystay dilka sargaalka.

Xaaladda magaalada Beydhabo ayaa mar kaliya is badashay markii kooxaha hubeysan ay dileen sargaalka, waxaana gudaha magaalada Beydhabo howlgallo ka bilaabay ciidamada dowladda iyadoo irdaha loo laabay goobaha ganacsiga ee ku yaala magaalada Beydhabo.

Kooxo hubeysan ayaa tiro dhowr jeer ah gudaha magaalada Beydhabo ku dilay saraakiil ka tirsanaa ciidamada nabad sugidda Beydhabo, waxaana sidoo kale ay kooxahaasi hubeysan dileen ciidamo isugu jira kuwa dowladda iyo ciidamo Itoobiyaan ah.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

 

  

webmaster@ceegaag.com