shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xagee Marayaa Wadahadaladii ugu dambeeyay ee u socday Dowladda KMG iyo Mucaaradkeeda.

(Jabuuti, June 02,  2008 Ceegaag Online)

Iyadoo Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ku sugan yihiin Dalka Jabuuti, ayaa hadana waxaa socota kulamo gooni gooni ah oo ku saabsan Shirka Jabuuti.

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ahmedou Ould Abdallah ayaa la kulmay dhinacyada Wafuuda Dowladda iyo mucaaradkeeda,

Wakiilka wuxuu wadaa sidii loo heli lahaa xalka dhabta ah ama ajandayaasha shirka ka hor inta aan la guda gelin Shirka, waxaana muuqanayaa mad madow shirka ah oo dhanka Mucaaradka laga dareemayo.

Ahmed Ould Abdallah ayaa yiri “Ujeeda Kulanka waa sidii loo heli lahaa xalka dhabta ah ee ay ka jirto dhibaatada Soomaaliya ka hor inta aan la galin wadahadalada" wakiilka wuxuu dadaal ugu jiraa in Labada dhinac isa soo hor fariistaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadley Golaha Ammaanka ee ka kooban 15-ka dal, waxa uuna si guud uga hadley qorshaha Siyaasadeed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Mucaaradka Asmara waxay iyagana qabaan fursad ay mowqifkooda ugu gudbinayaan Golaha Ammaanka, Ma muuqato illaa iyo iminka wax guul Rasmi ah oo laga gaaray sidii la iskula meel dhigi lahaa Ajandayaasha kulankasi hadiiba uu furmo, waxaana dhan walba ka socda kulamo kala duwan oo ay Beesha Caalamka wadaan.

Isbaheysiga Asmara wali waa ay ku dhagan yihiin shuruudooda ah in Ciidamada Ethiopia dalka laga saaro, markaasna ay wada hadalka fariisanayaan.

www.ceegaag.com


 

  

webmaster@ceegaag.com