shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Soomaaliya ayaa loo aqoonsaday dalka ugu nabad galyada xun caalamka kadib war ka soo baxay sanduuqa nabad galyada caalamka.

(Nairobi, June 26,  2008 Ceegaag Online)

"Soomaaliya waa dalka ugu nabad galyada xun caalamka, waayo waxaa xitaa lagu dilaa dadka maatida ah ee aan dagaalada ku jirin, kamana jiro wax amni ah" ayaa lagu yiri war bixinta sanduuqa nabad galyada caalamka uu soo saaray.

Waxaa war bixintu ay intaas ku dartay in hay'adaha gargaarka iyo kuwa ururada bulshada rayidka ah xitaa la bartilmaameedsado, iyadoo lagu sheegay war bixinta in amaanka uu faraha ka sii baxaayo.

Dalal ay kamid yihiin Sudan, Chad, Zimbabwe iyo Ciraaq ayaa iyagana loo aqoon saday in ay qeyb ka yihiin dalalka dhinaca amaanka ugu xun wadada caalamka.

Sababaha loogu doortay dalka Soomaaliya dalka ugu nabad galyada xun caalamka ah ayaa lagu xusay in guud ahaan qeybaha kala duwan ee shacabka, saraakiisha, ururada samafalka iyo kuwa bulshada rayidka si isku mid ah loo bartilmaameedsado.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com