shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Qodobada ugu Muhiimsan ee Heshiiskii ay gaareen Dowladda KMG ah iyo Mucaaradkeeda.

(Jabuuti, June 10,  2008 Ceegaag Online)

Heshiis ayey ku gaareen Magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka isbeheysiga dib u xoreynta Soomaaliya kadib markii beesha caalamku ay muddo dhex dhexaadinayeen labada dhinac.

Qodobada ugu muhiimsan ee labada dhinac ay ku heshiiyeen ayaa waxaa kamid ah.

1. In Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib U Xoreynta iyo kooxaha xiriirka la leh labadan dhinacba ay joojiyaan dhamaan dagaalada.

2. Joojinta dagaalada u dhaxeeya labada dhinac in la dhaqan geliyo muddo 30 maalmood gudahood ah ka bilaabanto maalinta la saxiixay heshiiska (09 June 2008).

3. In muddo 90 maalmood ah ay socoto xabbad joojinta ay ku heshiiyeen labada dhinac (balse waqtiga xabbad joojinta la kordhin karo).

4. In laga codsado Qaramada Midoobay, sida ku cad qaraarkii Golaha Ammaanka ee tirsigiisu ahaa 1814 uu goluhu muddo 120 maalmood gudahood ku ansixiyo kuna daabulo ciidamo caalami ah oo ka socda waddamo saaxiib la ah Soomaaliya oo aaney ku jirin wadamada deriska la ah Soomaaliya.

5. In muddo 120 casho gudahood waxey Dowladda Federaalka KMG ah fulineysaa go'aankii ay horay u gaartay Dowladda Itoobiya, si ay ciidamadeeda ugala baxdo Soomaaliya kadib marka ay dalka Soomaaliya yimaadaan ciidamo ka socda Qaramada Midoobay.

6. In Isbaheysiga dib u xoreynta uu soo saaro war cad oo uu ku sheegayo in uu joojiyay dhamaan dagaaladii uu ku jiray, isla markaana cambaareeyo dagaalada ka socda Soomaaliya, kadibna uu xiriirka u jaro kooxaha iyo shakhsiyaadka ka hor yimaada qodobada heshiiskan.

Si kastaba ha ahaatee shacabka Soomaaliyeed ayaa ka war sugaya waxyaabaha ka soo baxa heshiiska ay labada dhinac ku gaareen magaalada Jabuuti, iyadoo la og yahay in ay gudaha Soomaaliya ku sugan yihiin kooxo hubeysan oo qaadacay shirkaas.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com