shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaafiic ayaa lagu weeraray garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho iyo Hay'adda UNHCR oo dalbatay in shuruud la'aan lagu sii daayo sarkaalkoodii

(Muqdisho, June 23,  2008 Ceegaag Online)

Seddax madfac ayaa lagu weeraray garoonka diyaaradaha xilli garoonkaasi uu aad u mashquulsanaa oo ay diyaarado rakaab ah ka dagayeen kana duulayeen.

Mid kamid ah labada madfac ayaa ku dhacay xaruntii hore ee dugsiga farsamada oo ku dhow garoonka Muqdisho.

Lama oga sababaha ka dambeeyey weerarkaas madaafiic ee lagu qaaday garoonka kol haddii aan la sheegin wax mas'uul oo ka tirsan dowladda oo garoonka ka soo dagayey ama ka duulayey.

Dhinaca kalena nin ka tirsanaa shaqaalaha hay'adda Concern ayaa kooxo hubeysay waxa ay ku dileen gudaha suuqa Bakaaraha meel ku dhow suuqa sarifka ee Bakaaraha agagaarka daarta Cali Dheere.

Ragga dilka geystay ayaa ka koobnaa seddax nin, waxaana ay ku hubeysnaayeen bastoolado, waxaana la sheegay in ay rasaas madaxa kaga dhufteen marxuumka deetana ay goobta ka carareen. 

                           ******************************************************

Hay'adda UNHCR ayaa dalbatay in si sharuud la'aan loo sii daayo Xasan Maxamed Cali oo ahaa madaxii Hay'adda UNHCR ee Magaalada Muqdisho.

Hay'adda ayaa codsatay in la sii daayo mas'uulkaas sida uu sheegay Antonio Guterres oo oo ah sarkaalka Q.M ugu qeybsan isku dabaridka arrimaha gargaarka ee Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Mr. Antonio Guterres in Xasan Maxamed Cali uu kamid yahay shaqsiyaad Soomaali ah oo u adeegaya bulshada Soomaaliyeed oo uu sheegay in xiligaan ay heysato nolol xumo baahsan, uuna ku howlanaa sidii dadkaa loo caawin lahaa.

"Waa in la sii daayaa mas'uulkaas waayo wuxuu ka shaqeynayey caawinta walaalihiisa dhibaateysan ee ku barakacay Muqdisho iyo Afgooye inta u dhexeysa" ayuu yiri Antonio Guterres.

Xasan Maxamed Cali (Keynaan) oo ahaa madaxii hay'adda UNHCR ee qaxootiga adduunka ayaa lagu afduubtay deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho kadib markii rag hubeysan ay gudaha u galeen aqalkii uu deganaa.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com