shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Kooxda Waayahacusub iyo Albumkooda Cusub Ee DHalinyaro iyo Dareenka Dadweynaha Ku dhaqan Dalka South Africa.

(Johannesburg, June 14,  2008 Ceegaag Online)

Tan iyo Goortii Laga Daawadey Albumkan Cusub ee Wacyigalinta Ah eyna soo saareen kooxda waayahacusub ayaa dareen xooggan ay ka muujiyeen kumanaan soomaali ah oo ku dhaqan dalkan S/Africa haba ugu badnaadan Soomalida Ku dhaqan Magaalada Johannesburg, Hadaba Soomaalida ku dhaqan magaalada Johannesburg ayaa Dareenkooda  ku soo dhaweyeey Albumkan cusub ee lagu Magacdarey Dhalinyaro,
 
Wallow Qeyb ka mid ah soomaalida ku dhaqan magaalada Johannesburg ay ka biyo diideen marka ay dhagahooda ku Maqleen Wariye Garyare Oo Xayeeysinaya Albumkan uu sheegay in ay gacaan weyn ka geysatey safarada maraykanka u qabilsan arrimaha bulshada geeska afrika taas oo soomaali badan ka careysisay.

Mar Aan wax ka weydiyey Gudoomiyaha kooxda waayahacusub ahna Abwaanka albumka Shiino Cabdullahi Cali Shiino Aqiyaar U jeedada Albumka Dhalinyaro Loo sameyeey ayuu ku jawaabey'' albumkan Dhalinyaro oo muddooyinkan ka dhex guuxayey hal-abuurkiisa Maskaxdeeda ayaa wuxuu ka hadlayaa doorka ay dhalinyarada Soomaaliyeed ku leeyihin Nabadda , dib u heshiisiinta iyo Horumarka DalkaSoomaaliya.

Heesaha uu xanbarsan yahay Albumkan ayaa waxaa ay dhamantood ka hadlayaan heerka ay dhalinyarada ka joogan xaalka dalka maanta uu marayo iyo sida ay fanaaninta waayaha cusub ugu dirayaan dhamaan dhalinta soomaaliyeed, laakiin mahan albumkan mid dhalinta oo kaliye farrin u sidaa ee waxaa uu sido kale la hadlayaa Dadka waaweyn.

Albumkan soo sarrristiisa waxaa iska kashadey Safaarada Maraykanka u qabilsan arrimaha Soomaaliya waliba qeybteeda arrimaha bulshada ee hadafkeedu yahay sidii Nabad iyo xasilooni Waarta ay ku heli lahaayeen Umadda Soomaaliyeed ee Colaadaha halakeeyeen,
 
W/D Hassan YeeY

Johannesburg, South Africa

yeey18@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com