shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Jig-Jiga oo dad badan lagu xidh xidhay iyo Madaxwaynaha Deegaanka a Cabdillahi Xasan oo u ambabaxay goobo dagaalo ka dhaceen.

(Jig-Jiga, June 14,  2008 Ceegaag Online)

Waxaa shalay u ambabaxay Dhooboweyn iyo Dhagax-madow oo ah Deegaano ay isku farasaareen Jabhadda ONLF iyo ciidamada deegaankaas wufuud ay horkacayaan Madaxweynaha deegaanka Mudane Cabdilaahi Xasan Lugbuur iyo Hogaanka Nabadgalyada  Cabdi Muxumed (Cabdi Ileey).

Dagaaladaan oo la sheegay inay socdeen ilaa maalinkii arbacdii ayaa la sheegayaa inay kudhinteen dad shacaba oo aad utiro badan, qaar dawlada ka tirsanaa iyo tiro kale oo Jabhada.

Dhinaca kale Waxaa Magaalada Jij-Jiga ee Caasimada deegaanka Soomaalida Ethiopia todobaadkii dhamaaday lagu xidh-xidhay dad aad u tiro badan oo isugu jira masuuliyiin dad kale oo lagu eedeeyay inay yihiin xubo taageera jabhadaha ONLF iyo Al Itaxaad. Shirkii maalinkii arbacadii la soo dhaafay ayaa waxaa isku fashiliyay xubin sheegay inuu ahaa taageero jabhada ONLF dawladana waydiistay in la siiyo Cafis balse wuxuu akhriyay liis dheer oo uu ku tilmaamay inay dhamaantood yihiin xubnaha Jabhada u jooga Magaalada Jig-Jiga.

Xubnahaas waxaa kamid ahaa qaar hore loogu soo eedeeyay iyo qaar la xidh-xidhay kadibna la siidaayay kadib markay qiran waayayeen wax cadayn ah toos oo lagu waayay balse hada la fashiliyay kuwaas oo uu shir gudoonku sheegay in ay talaabada ku haboon ka qaadi doonaan, Masuulliyiinta shirkii u dambeeyay laga qabtay ayaa waxaa kamid ahaa wasiirkii Maaliyada iyo Horumarinta dhaqaalaha Bashiir Cabdilaahi.

Shirkii shaqaalaha ayaa isaga hakad lagaliyay maalinkii shalay ahayd balse waxa uu maanta ka siisoconayaa goobtiisii waxaana lafilayaa in maanta lasoo gaba-gabayndoono.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com