shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Jaamacadda Carabta ayaa ku baaqday in wax laga qabto xaalada dalka Soomaaliya.

(Muqdisho, June 27,  2008 Ceegaag Online) .

Samiir Xusni oo u qeybsan Jaamacada Carabta Arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in Jaamacada Carabta iyo Midowga Afrika iska kaashan doonaan sidii loo dejin lahaa xaalada dalka Soomalaiya.

Samiir Xusni waxuu xusay in Shirkii Jabuuti ee ka wada shaqeeyeen Ururka Jaamacada Carabta, Q.M iyo Ururka Midowga Afrika , shirkaasi oo lagu gaaray heshiis ay kala saxiixdeen Isbaheysiga dib u xoreynta iyo dowladda KMG ah.

Ergeyga gaarka ah ee Jaamacada Carabta u qaabilsam dalka Soomaaliya Samiir xusni waxuu sheegay in ay sii wadi doonaan Wada hadalada iyo dib u heshiisiinta dalka Soomaaliya, waxuuna hoosta ka xariiqay in ay iska kaashan doonaan markasta Labada Urur ee Midowga Afrika iyo Jaamacadda  Carabta horumarinta dalka Soomaaliya

                                                                     ******************************

Xaalada Degmadda Deyniile oo degan iyo Gudoomiye K/xigeenkii degmadda Huriwaa oo dib u helay xoriyadiisa kaddib markii ay sii daayeen Ciidamada Itoobiya oo uu u xirnaa in muddo ah

Xaalada Deegaanka Deyniile ee magaalada Muqdisho ayaa maanta degan kaddib markii weerar lagu dilay 9 ka tirsan Ciidamada dowladda KMG,

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa axaqiijinaya in maanta xaalada deegaanka Deyniile uu degan yahay, waxaana la sheegay in ciidamadii Booliiska ee weerarka lagu qaaday ee ku geeriyooday halkaasi la aasay.

Sarkaal sare oo ka tirsan Booliiska ayaa xaqiijiyay dhimashada ciidamadaasi , waxuuna weerarkaasi ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan Kooxda Al-shabaab.

Dhinaca kale waxaa dib u helay xoriyadiisa Gudoomiyihii Degmada Huriwaa Cumar C/lle Axmad oo 19 maalmood kaddib ay sii daayeen Ciidamada Fariisinka ku leh Warshadii hore ee Baastada.

www.ceegaag.com


 

  

webmaster@ceegaag.com