shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dowladda Nigeria ayaa ku dhawaaqday in ciidamo ay u soo direyso Somalia si ay qeyb uga noqdaan ciidamada AMISOM.

(Addis Ababa, June 25,  2008 Ceegaag Online)

Safiirka Dowladda Nigeria u jooga dalka Itoobiya ayaa sheegay in dowladiisu ay wado qorshe ay dalka Soomaaliya ku geyneyso ciidamada dalkeeda ah, isagoo intaa raaciyey in ciidamadaas ay qeyb ka noqon doonaan xasilinta dalka Soomaaliya.

Kadib kulan uu la qaatay safiirka dowladda Nigeria taliyaha ciidanka AMISOM ee Soomaaliya jooga ayuu sheegay in ciidamada Nigeria ee la geynayo gudaha Soomaaliya ay badali doonaan ciidamada dowladda Ethiopia kaga sugan gudaha Soomaaliya.

Wuxuu intaas raaciyey in ciidamada ka socda dalka Nigeria ay ka howl gali doonaan dhinaca koonfureed ee dalka Soomaaliya, hase ahaatee ma sheegin goobo mucayin ah oo ay ciidamadu ka howlgali doonaan.

Safiirka ayaa cambaareeyey weerarkii lagu qaaday ciidamada AMISOM, isagoo falkaas lagu tilmaamay mid ay ka dambeeyeen kooxo argagixis ah waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dowladda Nigeria ayaa tiro dhow jeer ah shaacisay in ay ciidamo ku biirineyso ciidamada dalka Soomaaliya ka jooga Ururka midowga Afrika ee AMISOM oo dalalka Ugandha iyo Burundi ay ka kala socdaan

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com