shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ciidamada xadka ee Dowladaha Jabuuti iyo Eritrea ayaa dagaal waxa uu ku dhex maray xadka ay wadaagaan labadaasi Dal

(Jabuuti, June 11,  2008 Ceegaag Online)

Dagaal u dhexeeya Dowladaha Jabuuti iyo Eritrea ayaa ka qarxay xadka ay wadaagaan labadaasi dal, kadib markii ciidamo ka soo goostay dalka Eritrea ay gudaha u galeen dalka Jabuuti taas oo dhalisay muran iyo isqabqabsi.

Wararka laga helayo magaalada Jabuuti ayaa sheegaya in saraakiil ka tirsan ciidamada Eritrea ay ka dalbadeen dowladda Jabuuti in ay dib u soo celiyaan ciidamadii ka baxsaday ee gudaha u galay haddii kale ay dagaal qaadi doonaan, hase ahaatee dowladda Jabuuti ayaa la sheegay in ay arrintaas ku gacan saydhay.

Dagaal aan illaa iyo hadda la ogeyn khasaaraha uu geystay ayaa la sheegay in uu dhex maray ciidamada xadka jooga ee dowladaha Jabuuti iyo Eritrea sida uu shaaciyey wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo wareysi siiyey idaacadda BBC-da qeybteeda afka French-ga.

Dowladaha Jabuuti iyo Eritrea ayaa dhawaanahaan waxa ay ku muran sanaayeen xadka u dhexeeya labada dal, iyadoo dowladda Jabuuti ay ka codsatay Qaramada Midoobay in ay wax ka qabtaan dowladda Eritrea oo ay sheegtay in ay si sharci darro ah ugu xadgudbeyso xadka dalka Jabuuti inkasta oo ay dowladda Eritrea arrintaas beenisay

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com