shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ciidamada Kenya ayaa tiro dad Soomaali ah ka qabqabtay magaalada Dhadhajabuura ee xadka ku taala.

(Liboye, June 05,  2008 Ceegaag Online)

Wararka laga helayo dalka Kenya ayaa sheegaya in ugu yaraan 5 qof oo Soomaali ah ay ciidamada Kenya ka kexeysteen Magaaladaas kuwaas oo ay sheegeen in ay uga shakiyeen falal Argagixisanimo.

Saraakiil u hadashay Ciidamada Kenya ayaa waxa ay sheegeen in dadka ay qabqabteen ay ahaayeen kuwo ay ku raadjoogeen oo falal argagixisanimo ay uga shakiyeen xarigoodana uu arrintaas salka ku hayo.

Falkan ay ciidamada Kenya deegaanka Dhadhajabuura uga kexeysteen dadkaasi Soomaalida ah ayaa waxa uu imaanayaa xilli xadka ay wadaagaan dalalka Kenya iyo Soomaaliya dhinaca magaalada Dhoobley ay maalmahaan ka aloosnaayeen xaalado kacsanaan ah.

Dhawaan ayey aheyd markii kooxo hubeysan ay dileen 4 kamid ah ciidamada xadka ilaaliya islamarkaana ay qaateen mid kamid ah gawaari ay lahaayeen ciidamadaas inkasta oo uu maamulka deegaanka Dhoobley ku guuleystay in dib loo celiyo gawaaridaas.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com