shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Arooska Axmed Faarax Canshuur iyo Sareedo Jaamac Cali Wayrax oo ka dhacay maanta magaalada Boston, USA

(Boston, June 15,  2008 Ceegaag Online)

Waxaanu halkan bogaadin iyo mahad celin uga soo jeedinanaa walaalahayo dhamaantood oo noonaga kala yimid badanaa gobolada Mareekanka, waxaanu idin leenahay kasooqaybgalkaa aad nagalasoo qayb gasheen xaflada Arooskayaga Jazaakumulaahu Khayran.(Sareedo iyo Axmed)

Waxaa maanta ka dhacay magaalada Boston xaflad Aroos oo aad laasoo agaasimay oo ay kasoo qayb galeen dadwaynihii ugu tirada badnaa ee isugu yimaada xaflad Aroos magaalada Boston. xafladan Arooska oo ay lahaayeen Axmed Faarax Canshuur iyo Sareedo Maxamed Jaamac ayaa u dhacday sidatan.

Caruus Axmed oo soo galya goobta Xaflada

Xaflada waxaa xiriirinayay C/laahi Maxamed Faarax (Riitoos)

Gabadha oo sida caadada Soomaalida labada Reer ee xididayaa is waydiistaan waxaa Axmed ka masuul ahaa oo gabadha u doonay  Axmed Cismaan Cilmi (Axmed Garaash)

Waxaa gabadha bixiyay Cismaac Xasan Waqooyi

Waxaa xaflada meherka waday oo meherinayay Muftiga magaalada Boston waa Cismaan Siciid Yuusuf (Cismaan Dhicis)

Waxaa walaayada ka masuul ahaa Gabadha inaadeerkeed Maxamed Aadan Cali Wayrax

Markii la o'gaaday qiimaha meherka oo ahaa $100 ayaa la door biday in la xaqiijiyo

Kadib muxaadaro ka hadlasay Muhiimada Salaada iyo meesha ay uga jirto tiirarka islaamka "waxaa jirta arin wadaadadu dadka had iyo goor uga sheegaaan masaajidada balse haboon in xafladahan laga sheego waa salaada dadka masaajidka joogaa waa inta tukata balse dadka loo baahan yahay waa dadka aan tukanin ee laga helayo ama xaadirka ku noqdo xafladaha xafladan oo kale ah" (Sh. Cismaan)

"Salaada oo laga tagaa waa lagu gaaloobayaa waana xadiis saxiiix ah"

Meherkii

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com