shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Mas’uul ka tirsan Isbaheysiga dib u xoreynta oo sheegay in labada Shariif ay dhowaan socdaal ku tegi doonaan Muqdisho.

(Asmara, June 16,  2008 Ceegaag Online)

Guddoomiye ku-xigeenka Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliyeed Sakariye Max’uud Xaaji Cabdi ayaa sheegay socdaalka ay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku tageen labada mas’uul ee ugu sareysa isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya Sheekh Shariif sheekh axmed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan uu la xiriiro sidii ay uga sii gudbi lahaayeen dhinaca magaalada Muqdisho ee dalka Somalia oo sida uu hadalka u dhigay ay weli ka taliso xukuumada Itoobiya iyo wax uu ugu yeeray kuwa kaba qaadka u ah.

Sakariye ayaa intaa ku daray in labada mas’uul ay Nairobi ka qaadi doonaan lacag ay geynayaan magaalada Muqdisho, si ay ugu kala furfuraan ayuu yiri muqaawamada xaq u dirirka ah ee halkaas kula dagaalameysa cadowga, wuxuuna sheegay Sakariye in labaad mas’uul loo qorsheeyey iney ilaalo u noqdaan inta ay joogaan magaalada ciidamo gaar ah oo ay leedahay QM, isagoo xusay in warkaaas ay ka heleen ilo xog ogaal ah.

“Itoobiya dalkeena waxay ku qabsatay xoog iyo qori caaradii wadahadalna kuma baxeyso ee waxaa looga saarayaa xoog halganka uu shacabka kula dagalamnayana uma baaqanayo hal iyo labo nin oo hunguri qaaday, damiirkoodii wadanimino iyo koodii diineedna iibsaday, waxaana leeyahay heshiiska Jabuuti waa hagardaamo loogu talo galay in lagu kala jebiyo dagaalka muqaawamada markii la arkay in guusha ay gacanta u geli rabto” ayuu yiri Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ku sugan magaalada Asmara.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com