shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

South Africa Qaxootiga Somalida ee Dhawaan rabsaduhu Barakiciyeen oo xaaladooda Bini aadnimo laga dayrinayo.

(Johannesburg, July 15,  2008 Ceegaag Online)

Dadka ku jira xerooyinka  dalka South Africa ayaa waxa ay kor u sii dhaafayaan 600 oo qof ayna u badan yihiin Haween, Caruur iyo dad waawayn  kuwaasi oo aan  awoodin in ay dib ugu laabtaan dukaamadii laga soo barakiciyay wallow ay jiraan dhalin yaro kale oo ayagane ku xareesan masaajidyo halkaasi ku yaal oo ay  ku quudiyaan Hay'addo Islaami ah.

Mar aan booqday qaar ka mid ah xerooyinka ay ku xareesan yihiin  Qaxootiga Soomaalida ayaa durbadiiba waxa ay indhahaygu  qabteen  soomaali ku rafaadsan gudaha xerooyinkaasi, Qaxootiga  ay diiftu ka muuqatay ee xaryahaasi ku jira ayaa  waxa ay ka cabanayaan cunto la,aan, Hoy la'aan iyo caafimaad darro xilli uu ka dhacayo dalkani Koonfur Africa qabowga  Barafka iyo roobab aan kala go' laheen.

waxa xerada weyn ee fishok kula kulmay Cabdi Cumar oo ka mid ahaa dadka ku jira xeradaasi waxa uuna ka war bixinayaa dhibaatada ku haysata asaga iyo dadkale oo Somali ah Xerryahaasi  wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay sidatan "dhib weyn ayaa halkan nagu haysta  wax na daryeela ma joogaan   shalay waxaa halkan laga qaaday ilaa 3 qof oo isbitaalka la geeyay waxaana taasi ka daran inta weli la ildaran qabow galay dartiis" dhibaatada meesha soomalida ku haysata laguma soo koobi karo  wax la sheeko ayuu yiri.

ilaa 4 ruux oo saamali ah ayaa la dhigay isbitaalka weyn ee Magaalada Cape town Afartan  qof oo ka kooban  caruur iyo haween ayagoo la il daran qabow galay dartiis wallow ay xaaladooda caafimaad ka soo Raynayso sida ay warbaahinta u sheegeen dhaqaatiirka ka howl gala isbitaalkaasi balse waxay wal wal ka muujiteen qaxootiga kale oo weli ku jira xeradaasi waxayna ka digeen taqaatiirtaasi hadii aan laga soo saarin dadkaasi ku jira xerada ay qatar weyn soo wajahi doonto .

si kastaba ha ahaatee dadkani ku jira xeradani ayaa waxa ay u kala qeyb samaan laba qeybood, iyadoo qaar ka mid ah Qaxootiga ay ku fekerayaan in ay dib ugu laabtaan goobahooda ganacsi oo horay looga soo barakiciyay halka qaarka kalene ay ku fekerayaan in loo qaado dibadaha kale sida dalalka Australia iyo North America iyo Yurub  balse waxaa soo ifbaxaya in ay meesha ka sii baxeyso rajadii ahayd in dadkaasi loo qaado goobaha ay sheegteen sida ay mas,uuliyiinta dowlada South Africa ay sheegeen in aysan suurto gal noqonaynin in ay gacan sedexaad u dhiibaan qaxootiga Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com

Cape Town, South Africa

  

webmaster@ceegaag.com