shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Soomaalida ku nool dalka Koonfur Africa oo si weyn ugu dabaaldagay Munaasabada 1-da Luulyo.

(Johannesburg, July 01,  2008 Ceegaag Online)

Munaasabad balaaran oo ku aadan 48-guuraddii ka soo wareegatay xorriyadda goballadda koonfurta, midowga waqooyi iyo koonfur iyo waliba dhismaha Jamhuuriyadda Somaliya ayaa waxay ka dhacday magaaladda Johannesburg Ee Dalka South Africa.
 
Xafladdan oo ey ka soo qeyb-galeen mas`uuliyiin badan oo ey ka mid yihiin Makro Makundo oo ka Socdey Xisbiga talada haya ee ANC sidoo kale Xafladdan waxaa ka soo qeyb galay Musse lohor oo ka socdey Hay'aada Islaamiga ah Ee Dalkan S/Africa. Sido kale waxaa ka mid ah marti sharafti ka soo qeyb gashey xafladdan Ahmed xabiib oo ah Safiirka Safaradda dalka Maroco Ee dalka S/Africa .iyo Mas'uuliyiin kale, iyadoo halka lagu dawanayay Riwaayad ka turjumaysa Xaaladda haatan uu dalku marayo guud ahaan dalka Soomaaliya.

Damaashaad iyo dabaaldag kadib ayaa waxaa halkaasi si wadajir ah loo saaray calanka jamhuuriyadda Somaliya, waxaana khudbado kooban oo ku aadan calanka halkaasi ka jeediyay masuuliyiin isugu jirta Jaliyadda Soomaaliyeed Ee Soomaali community Board gar ahaan gudoomiyaha Jaliyadda Soomaali Community Board C/Xakiin Maxamed Hadi oo qudbad u jediyey Marti sharafti ka soo qeyb-gashey xafladdan Tariikheyga ah
 
Si Kastaba ha ahaatee xafladdan ayaa eheyd xafladii ugu horeysay ee laga xusey guud ahaan magaalada johannesburg. iyado xafladuna ay ku dhamaatey jawi wanaagsan.

Daawo Sawiradda

Hassan Yeey

Johannesburg, South Africa

yeey18@hotmail.com

 

  

webmaster@ceegaag.com