shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Meydad Hor leh oo laga helay Magaalada Baledweyne oo maalmahan ay duqeyn ku wadeen Ciidamada Ethiopia.

(Baledweyne, July 28,  2008 Ceegaag Online)

Waxa isa soo taraya Meydadka Dadka Rayidka ah ee wali laga helayo gudaha iyo daafaha magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kuwaas oo ay geysteen ciidanka Itoobiya ee gudaha Magaalada iyo Janta Kundisho ku sugan. 

Meydadka 2 Qof ee Rayid ah oo hor leh ayaa Maanta laga helay iyaga oo dul sabeynaya Wabiga Magaalada Baladweyne, kuwaas oo jirkooda ay ka muuqdaan rasaas xoogan oo la filayo in ay la dhaceen Ciidamada  Itoobiya. Dilka dadkan Rayidka ah ayaa la filayaa in uu yimid xilli dadkan ka cararayeen guryahooda, xilli Ciidamada Itoobiya gudaha u soo galayeen Magaalada Baladweyne xilli habeen ah. 

Meydadka Dadkan oo la keenay Cisbitaalka Magaalada, ayaa dadka deegaanku waxa ay isku howleen sidii ay u Aasi lahaayeen, Waa 3-dii Qof oo Rayid ah oo muddo 24 saac gudahood laga helo gudaha iyo daafaha magaalada Baladweyne kuwaas ay xasuuqeen Ciidamada  Itoobiya ee gudahada iyo duleedka Baladweyen fariisimada ciidan ku leh.  

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com