shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maalintii labaad oo Bandow saaran yahay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

(Gaalkacyo, July 03,  2008 Ceegaag Online)

Waxaa MaalintiiLabaad saaran magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug bandowgii ay dhawaan soo rogeen gudiga Mabadgalyada iyo Maamulka Gobalka oo is kaashanaya  kadib markii ay kulan wada qaateen labada dhinac.

Waxaa habeenkii xalay dhamaan albaabada loo laabay goobaha ganacsiga iyadoo oo uu si toos ah u hirgalay bindowga oo biloowday waqtigii loogu tala galay ee 7 fiidnimo ee xalay islamarkana waxaa lagu arkayay goobaha lagu caweeyo ciidamada Gobolka oo dadka u sheegaya in ay xiraan goobaha furan islamarkaasna kala diray si ay u aadaan guryahooda.

Bandowgan Lagu soo rogay Magaalada Gaalkacyo habeenkii labaad  ayaa waxa si wayn u soo dhaweeyay dadka qaarkood halka kuwa kalina ay sheegeen in uu yahay mid laga soo hormariyay waqtiyadii loogu tala galay balsa loo baahnaa in dib loo dhigo sababtoo ah bay yiraahdeen waxa uu ku soo aaday xiliyada salaada Cishaha oo ay dadku ku tugan lahaayeen Masaajidada, iyadoo dadka qaarkiis ay ka codsadeen Maamulka Puntland  iyo gudiga Nabadgalyada in ay dib u dhigaan Bandowga oo ay 8 fiidnimo ka dhigaan.

Ciidamada inta ay wadeen howlgaladan ayaa waxa la sheegay in ay  ku  soo qabteen dad boqolaal kor u dhaafaya oo iskugu jira kuwa Danbailayaal ah iyo kuwa kale waxaana dhamaantood laga soo kala qabtay xaafadaha kala duwan ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com