shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Isbaheysiga Asmara garabka Xasan Daahir Aweys oo ku shiraya Asmara.

(Asmara, July 03,  2008 Ceegaag Online)

Wararkii ugu danbeyay ee Asmara naga soo gaadha ayaa sheegaya in kooxda ku fikirka ah Xasan Daahir inay qabteen shir uu  shirgudoominayay  Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi waxaana looga hadlay u diyaar garowga shir kasoo horjeeda shirka ka socda Jabuuti iyadoo lagu wado inuu qabsoomo maanta oo ay taariikhdu tahay 03/07/2008.

Asmara wararka ka imanya ayaa waxa ay sheegayaan aqbalaadii Xasan Daahir in ay wefdi ka socda Asmara ay garaan dalka yemen in ay suurtagal noqon waysaday ,Shirkan Asmara ka dhacaya ayaa waxaaa ka mid ahaa  ragii ka qayb galaya Sh. Xasan Mahdi kasoo ka hadlaya dastuur cusub oo ay ku howlanyihiin halka uu maraayo diyaarintiisa  taas oo uu sheegay in ay soo dhameeyeen howshooda waxaana uu  amaan u soo jeediyay gudiyadii la shaqeynayay.
 
Sidoo kale waxaa lagu wadaa inuu isna ka hadlo  qabanqaabada  diyaar garoowga qabsoomida shirka  maanta ka furmaya Asmara Maxamed Xaashi waxuuna sheegay in dhammaan guddiyada qabanqaabada shirka ay soo diyaariyeen dhamaan howlihii laga sugayay, waxaa kaloo uu sheegay inay soo gareen xubno ay ka mid yihiin  Sh. Cabdullaahi Cali Xaashi..
 
Yemen Martiqaadkaan ay u fidasay labada dhinac Kulanka lagu dhex dhexaadinaya Xubnaha Isbahaysiga ee úu qilaafka ka dhaxeeyo ayaa waxaa ka hadlay Xasan Daahir Aweys isagoo sheegay in kulankaasi aanu isaga ka qeyb gali doonin Balse ay wadaan Xubno isbahaysiga ka mid ah  waxii kasoo baxana cidii diida iyadaa ku ceeboobi doonto,
 
Kulanka Yeman ayaa waxaa surtagal ah in uu dhaco ama uusan dhicin waa haddii ay suurtagal noqoto inay xubno kasoo baxaan dalka Eritrea uuna ogalaaddo Madexweynaha dalka Eritrea in ay gaaraan qaar ka mid ah Xubnaha isbahaysiga  dalka Yemen, Si shirkaas loogu talogalo in la yiraa waa fashilmay Si shirarka la qaban qabinaayo loogu magacaabo xubno cusub.

Si kasteba ha ahaatee wararka ka imanaya Magaalada Asmara ee xarunta Dalka Eritrea ayaa waxa ay sheegayaan  in aysan jirin kalsooni lagu qabi karo cidii Asmara mar uun katagta inay dib ugu soo labanayso.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com