shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Alamtara soo dhaafye Weyllun ku akhri!

(N. America. July 08,  2008 Ceegaag Online)

 

Gabaygan waxaa la yidhaahaa weyllun. Kii ka horeeyeyna waxaan u bixiyey Alamtara.  Labadaa gabayba waxaa sababay gabay hore oo waano ahaa oo tol dhibaato kala gaadhay ku kala maslaxayey, dabadeedna nin durdurinayaa daf  isoo yidhi isagoo gabay la daalaa dhacaya. markaasaan waxaan damcay inuu dib uga joogsado dawga uu kusii daaduumayo,  Alamtara ayaan ku akhriyey. Waa ku joogsan waayey, iminkana tan aan soo wadaa waa weyllun. Hadduu taa ku joogsan waayo, Dib la iiguma halleeyo. Waylluna waatan

 

Ahmed Naasirow hadal murtida ma hadho reebaaya

Oo lagu hanuunoo dadkuba badi ku haasaawo

Iga hooya hibo eebbahay idin haleelsiiye

                       ###############

Nin habeena badan soo jiroo hawl gabaan ahaye

Nin harreed cad baan ahay gadh iyo halab mdoobayde

Waxaan ahay nimay hanaddadii wax u higaadsheene

                       ##############

La hadh galay hormuudkii Caliba geed Hareeriyahe

Ismaaciilna heel lagu casumay soo hor joojsadaye

Hawraarihii ina baxnaan hal ima dhaafayne

Hooyaalihii aadan iyo dirir intuu hoorshey

 Hanti taalla weeyoo dhaxloo waw han weynahaye

Cumar hadalasii cuslaa ma aan halmaamayne

Dhuux obsiiye iyo ciise holan wow hamuun qabaye

Intaasoo halyay wada ah iyo horin kaloo Dayl leh

Mahallaynin waxay noo hureen hadiyadoodiiye

Hadal kalana waa wiilkan iyo hello tumiddiisa

                     ################

Nin habaabay hilinkuu maraa waw habboonyahaye

Habayaaci maansada ninkaan haarib ku ahayne 

  waa lagu hanqaarmaa nin xumi maanyaduu humaye

                   ##################

Alamtara hor dhigay oo ibliis ka hufiyoo waalye

Waakaa hareer maray murtida hoga tuskeediiye

hadba gees u haadkiyo durduro hadaf la’aantiisa

hirashada hawiye doonka iyo habar xabuusheedka

dadku haatan waa yaaban yahay habaqlihiisaase

Dab midkii hulaaqshaa ka daran kii halligay kooxe

Colaadduu humaayiyo beladuu ku hidisoonaayo

Hubka uu gadaayiyo hantida u huray ee dhiibay

Hamigiyo hurgumadaa qalbiga ka huraysee jiifta

Jimankaa hallaasiga u tumay aan ka hadhi doonin

Hayaag kala gurkisiyo tolkiis hayb u kala sheega

Ee haybaddii BOQORKA galay hooda xumidiisa

Hor Ilaahay isagaa la tegi hooyga aakhiro e

Ka hadhaye mindhaa weyllun buu ku hakan doonaaye

                  ###################

Haddii hilibka nacas kaa hor hudho ama habaas taabto

Nin hanweni calaf aanu hubin u hunguraan waaye

Anna gabayadii aan hufnayn ima habsaanshaane

Waanigaa ka haayiray jamaal heesta uu wdo e

 

      M.  Hiirad

 

Xigasho: Buuhoodle Media

 

 

 

  

webmaster@ceegaag.com