shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Abwaan Xaaji Maxamed Hiirad oo u soo jawaabay  Aqoonyahan Jamaal Xaaji Cali Cilmi Iidle

(Minnesota, USA, July 04,  2008 Ceegaag Online)

Abwaan Xaaji Maxamed Hiirad oo u soo jawaabay  Aqoonyahan Jamaal Xaaji Cali Cilmi,  Waxaana Xaaji Maxamed Hiirad oo hadda Giraanta ku soo noqday uu yidhi.

 

Nin ninhalgamey habkuu doorto iyo, himiladuu doono

Hamigiyo dadaal wuxuu harjado , oo hurdada diido

Hungo iyo inuu hoog mutoo,  hibashadii raagto

Hawiraad naftiisii inuu,  hogob ka tuuryeeyo

Aakhirana haawiya ku dhaco, halasyadii naarta

Ama uu hogaan bira noqdoo, la hambalyeynaayo

Qiyaamahana hooygii jannada, loogu hadiyeeyo

Waa lama huraan inuu miduun, soo hirgeliyaaye

 

Jamaal xaaji haasaawe gabay, kuma hallaynayne

Hal abuuro uu qoray ma maqal, manta ka hortow e

Heestaba dar baa igu lahaa, wiil kalaa humaye

 

Hayeeshee haddaan hoos u dego, hadafka weedhayda

Hud-hud baa carada buuxa iyo, qaar habaar qaba e

Hagar iyo Hayaag waa heshiis, waana la hubaaye

Ragaan kala hadhayn maalin qudha, boqol hadduu hoobto

Oo hiil ku kala baaqsanayn, hoona kala waayin

Maxaan ficil midkood ku higsadaa, waaba hayb qudhahe

 

Nin hagraday xigaalkii hadduu, libin ku hooynaayo

Dar huraa ku soo heli lahaa, haybad iyo faane

Hadduu rabo dagaal lagu herdamo, laguna sii heermo

Oo hiirta waabire hujuum  u hinqadoo duulo

Oo qaar hurdoo gama’sanaa, hoobiyaha saaro

Oo qaar dhibkaba hiifay iyo, hanadu uu toogto

Ama qaar u xigay hooyadii, hanaqa uu taabto

Habaryariyo Eeddooyinkana, hoognay ku abaadsho

Ama horin walaalihi dhaleen, wada halaakeeyo

Bal maxaad helaysaa ku dhaha, habi la’aantiisa

Ma dhiigaa ka soo hoorayuu, habacan oo fuudi

Ma hilibkooda caatada ah buu, ka hirqan oo naaxi

 

Afartaa Ninkii Iga Hor yimi mawgu Hula sheegay

Sidii Hogol Kaliileed Khalqiga Hababac maw Siiyey

Hawadayda isagaa galaye Hibasho Maw reebay

hadaan Webi Ku haw siin lahaa Dib Uma Heeseene

Haybtiyo Xigtaa i hakisayoo Hooyo waa sahale

Jamaal Dhaha halkaasan Hojee adiyo hawshaada

 

Xaaji Maxamed Hiirad

Xigasho: Buuhoodlemedia

  

webmaster@ceegaag.com