shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ciidan iyo Gaadhi Tikiniko ah oo ka Goostay Maamulka Somaliland oo gaadhay Garoowe.

(Garoowe, July 19,  2008 Ceegaag Online)

Ciidanka iyo Gadiidkan u goostay Garowe ayaa waxaa haystey Col. Dalbac oo ka soo jeeda Beelaha SSC, balse daacad u ah Maamulka Hargeysa Arinta ayaan ahayn mid lala yaabo oo waa wax dhaca mar walba in labada Maamul ay Ciidamo iyo Gadiidba u kala galaan.

Hadaba mar aanu la kulanay askartii baabuurkaasi la soo fakatay waxay noo sheegeen in ay liidato xaalada maleeshiyada ku sugan duleedka Laascaanood.

Wadaha baabuurkaasi oo magaciisa la yidhaahdo Cabdirashiid Xasan Macallin wuxuu kaloo sheegay inay jiraan laba gaadhi oo kale oo iyaguna doonayey inay ka soo goostaan Maamulka Somaliland, ayaa haatan dhoodigga ku soo jira, lana filayo inay goor dhow soo gaadhaan.

Waxaa kaloo uu Cabdirashiid Xasan Macallin sheegay in xalayto markii ay go’aansadeen inay isaga soo goostaan waxaa laga soo daba direy laba gaadhi oo soo baacsaday balse markii dambe ku ambaday deegaankii aanu soo jeexnay. 

Dhinaca kale waxa iyana saakay kasoo galay Gawaaadhi iyo Ciidan dhinaca Gobolka Sanaag kasoo goostay Maamulka Somalialnd Ciidankaas oo gaaraya ilaa 136 askari

Xigasho: Boocame

  

webmaster@ceegaag.com