shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Gabay Dhexdhexaadina Waxaa tiriyay  Mustafa Maxamuud Xaaji Cali-deeq (Mustafa Akhyaar)

( Silsildii Gabayada ee Garnaqsi, July 15,  2008 Ceegaag Online)

Bismillaah,

Assalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.

Anigoo ah Mustafa Maxamuud Xaaji Cali-deeq (Mustafa Akhyaar) kana mida ah Muslimiinta Degen Wadanka Isku tagga emaradka carabta,

Dhawrjeer markii aan arkey Hadalada iyo gabayada la is dhaafsanayey waxay igu kaliftey inaan tiriyo tix yar oo ah gabay lamood Iyadoo aytahay markii iigu horaysey ee aan gabay tirintii kala furo, sida idiinka muuqata tixdan waxay tusaalaynaysaa Nin walaalkiis diley Naarna ku galay, waxay kale oo tusaalaynaysaa wakhtigii saxaabada  hadal dhex marey laba ka mid ah Muhaajiriin iyo Ansaar kuwaas oo Isugu habarwacdey Yaa Muhaajin Yaa ansaar Iyo hadalkii rasuulku ku dhex galey oo ahaaa ' Ka taga Qabyaaladda way qadhmuuntahaye'.

Tixlamdoodiina waxaan ku bilaabey Sidatan.

 

 Hal abuurka maansada matirin haatan ka horoowe

Hadaan Maan la ishirdiyin uma hiloobeene

Hayeeshee Himiladaydu waa Dib u heshiisiine

Hawd iyo nugaal baan u furi hadallo waawayne

Habkay diintu tiri baan rabaa inaan ku hoorshaaye

Hadyigii rasuulkaan rabaa hilinkii toosnaaye

Hujuumkiyo Colaadaan rabaa inaan Ku hiiqaaye

Hagar iyo hayaag baan rabaa inay Heshiiyaane

Hiirad iyo Jamaal baan rabaa horumarkoodiiye

Haadalkaygu Nabadbaan rabaa inuu horseedeeye

Hadafkayga allahayow ka yeel Nabadda Hoygeeda.

 

                     @@@@@@@@@

 

Hiirta waabari hadii aad kacdoo Himato laabtaadu

Huud iyo Nisaa Hadii aad akhrido Waaxid hadalkiisa

Hareeraheeda  Maa'ida hadaad hore u sii raacdo

Hubaalweeye oo waxaad ka heli Hilinkii toosnaaye

Halyeeyadii nabi aadam dhalay  kii huriyey baaruudda

Haabiil walaalkii markii, uu Hubka u qaaatey

Hanjabaada Goortuu Ku yidhi Hadalka Deelqaafka

Halbawlaha dhiiga Haabtiyo Naftaan kaa Hulinayaaye

Hadalkiisu qaabiil manoqon hurin Colaadeede

Hayeeshee Hanuunbuu tusiyo Hadafkii toosnaaye

Hadaad fidiso gacantaada ood huriso baaruuda

Hoygii Cadaabtaad ku tagi waana la hubaaye

Haabiil walaalkii mamaqal oo wuu halaagsamaye

Hawadii Naftuu raacay iyo Haatufka ibliise

Halkii buu walaalkii kudiley hawlyar dabadeede.

                       @@@@@@@@@ 

Hijradii Madiininana Markii Diinta lahogaanshey

Haybtiyo Qabiilkii Markii halawga lagu tuuray

Hurintii Saxaabada Markii Ibliis Hadalka soo tuurey

Hayyaay Yaa muhaajiriin iyo Ansaar La isu kala soocey

Hogaankii Saxaabada Markii Hadalka Loo sheegey

Hadalkiisu waxa uu ahaa ka taga haybta Jaahiliga

Hadalkiisu waxa uu ahaa ka taga way qandhmuuntahaye.

                     @@@@@@@@@

Hadalkaa waxbaan uga socdaa aan hadeer idhiye\

Hubka dhiga waxaad wada tihiin Ehlu Tawxiide

Hubka dhiga Waxaad wadatihiin Haradii Ciideede

Hubka dhiga waxaad wadatihiin Hooyo Ubadkeede.

                        @@@@@@@@@

Ha'dii Gabay Halkaasaan ku xidhey Goor Habeene

Is habeeya oo hooriyoo Hawdka sare Geeya.
 

 

My Signature is:
Mustafa Akhyaar

Subxanakallaahuma wabixamdika ashhadu an laa ilaah ilaa anta astaqfiruka wa atuubu ilayka.
  

webmaster@ceegaag.com