shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Gabay Dhexdhexaadina

( Silsildii Gabayada ee Garnaqsi, July 07,  2008 Ceegaag Online)

Waxaa igu dhaliyey inaan tixdan kooban tiriyo Gabayadii ay isweydaarsanayeen  Jamaal iyo Hiirad. Run ahaantii aniga oo aan ahayn Hagar iyo Hayaag midna waxaan jeclaystay inaan ku dhexdhexaadiyo  Tixdan:
 
 

  Hada maanso waayahan anigu haabka kuma hayne
Hooyaale gabay maan isodhan huri odhaahdeede
Hayeeshee hurdada waxaayga cugay hadaladiiniiye

                       @@@@@@@@@

Halna iguma seegana warkiyo Hawd wixii jira,e.
Hanadada shirshooriyo Hayaag waa hebaladeeniiye
Habarwaaga guud khaalid baad hilib wadaagtaane
 iyagaa haraadkiyo dhul adag Heera cadawgiiye

                       @@@@@@@@@

Hooy hubiya maansadu marbay kula huleeshaaye.
Hawd iyo waxay kula xushaa halaqmareen ciide.
 

                          @@@@@@@@@


Habeenmadow humaatida laridey iyo hanaqa kii gooyey
Hagar maaha ee waa Ninkii Hooyadiis dilaye
ama Hanad wallaalkiis, Huqdiyo jaray halbowlaha,e

                           @@@@@@@@@
 
Hooy hubiya maansadu marbay kula huleeshaaye
Hawd iyo waxay kula xushaa halaq mareen ciide,
Uhamrada colaad yaan tolkiin laysku soo humine
 
 
Waxaa tiriyey: C/laahi Cali Gaani.

 

Xigasho: Buuhoodlemedia

 

  

webmaster@ceegaag.com