shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde "Waxaan Diyaar u ahay inaan is casilo haddii danta Soomaaliyed sidaas ku jirta".

(Nairobi, July 16,  2008 Ceegaag Online)

Ra”iisal Wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa waxa uu sheegay in uu is Casilayo hadii nabad  lagu helayo ka tagi taankiisa Xafiiska oo ay ku xiran tahay xal laga gaaro dhibaatada ka jirta Soomaaliya

Isagoo ka hadlayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya  ayaaa Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde waxa uu sheegay in uu diyaar u yahay cidkasta uu wada hadal kala yeesho arimaha Soomaaliya, wuxuuna ballan qaaday inuu la hadli doono dhamaan dhinacyada isaga soo horjeeda Siyaasadda dalka Soomaaliya.

”Waxaan halkaan u joogaa in aan shacabka u shaqeeyo isla mar ahaantaana uma joogo halkaan  in aan awood iska haysto Diyaar baan u ahay inaan is casilo haddii danta Soomaaliyed sidaas ku jirta”ayuu yiri Wasiirka koowaad ee Soomaaliya. 

Mar wax laga weydiiyay in uu wada hadal la galayo Ururka Hubeysan ee Al-shabaab ayaa waxa uu sheegay in uu wada hadal la yeelanayo cid kasta  si loo gaaro xasilooni ka dhalata gudaha dalka Soomaaliya.

Nuur Cadde oo da”diisa ay tahay 70  jir ayaa xafiiska Ra”iisul wasaarenimada waxa uu la wareegay  bishii November ee sanadkii 2007 markii uu is casilay Ra'iisal Wasaarihii hore Cali Maxamed Geeddi oo culeys fara badan uga yimid dhinaca Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed kadib markii uu ku fashilmay socodsiintii Dowladadiisa.

Xaaladda dalka Soomaaliya ayaa faraha ka sii baxaysay Maalmihii ugu dambeeyay markii ay soo bateen weerarada lagu dilayo shaqaalaha Samafalayaasha ee ka shaqeeya Gudaha Soomaaliya.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com