shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Gabay ku socda Xaaji Maxamed Hirad oo uu tiriyay Maxamuud Cilkmi Dhuuto.

( Silsildii Gabayada ee Garnaqsi, July 07,  2008 Ceegaag Online)


Halyaay maxamedow gabay aduu hoyga kuu yahaye
 

adigaa halkii loo kacaba kuguhagagaaye
 

waxaad hilib wadaagtaan ragaad hebel tidhaahdaane


adigaa higaadiyo yaqaan heelka uu maro e
 

 hubka samatar iyo aadan baad haayb ladhigataaye
 

axmed dirir halkiisii magabin waana lahubaaye
 

ina dhoona kuu hadhay waa hibo ilaahe
 

halkaaad uga aroortaana waa harada
 

              #################

ciideede mamatalo hayaag wiil dabshida

 waana lahubaaye waa niman gobaa lagu hirtaa lagu hagagaaye

 waa niman tolkood kala hubsada kii habaarqab e

waa niman wixii kuugu hadha heelka soo tuba e

hegaale horiga danood heelka dhul u dheer ah

hareeriga marqaan iyo ilaa magan hilaadiisa

waa niman halkaad  ugu tagtaba haaysta maalbadane

hunada hargaysiyo berbera uma hiloobaane

hoji gabaygu wuxuu kugu wadaa meel haraad badane

waxaa tahay nimaan hoos u dagin haybta guudnimo e

halgan baad u jeedayay dhan kale haw hareer marine

hoji gabaygu wuxuu kugu wadaa meel haraad badane

Waxaa Tiriyay gabaygan Maxamuud Cilmi Dhuuto

Xigsho: Buuhoodlemedia

 

  

webmaster@ceegaag.com