shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dhaq-Dhaqaaq Ciidan oo laga Dareemayo gudaha magaalada Laascaanod ee Xarunta Gobolka Sool.

(Laascaanood, July 23,  2008 Ceegaag Online)

 

Waxaa ilaa shalay ka bilowday Gudaha Magaalada Laascaanod dhaq dhaqaaq ciidan ,kaas oo ku saabsan warar sheegaya in ay gudaha Magalaada soo galeen Ciidamo taabacsan maamul Goboleedka Puntland.
 
 
Maamulka Somaliland ee ku sugan Magaalada laascaanod ayaa bilaabay inay dhaq dhaqaaq ka sameeyaan Magaalada gudaheeda, kuwaas oo ujeedadoodu tahay inay ka hortagaan ciidamada la leeyahay waxay soo galeen magaalada, iyagoo marmarka qaarkoodna waardiye ka qabta guryo khaas ah oo ay leeyihiin dad ay isku hayb yihiin nimanka la leeyahay way soo galeen iyagoo ka tuhun qaba inay nimankaasi ku jiraan guryahaas, iyadoo aanay ilaa hada cid laga helay aysan jirin dadweynuhuna dhaqdhaqaaqooda ay ku tilmaameen kuwo shaki.
 
 
Dhinaca kale waxaa jira dhaq dhaqaaq ciidan oo ku wajahan degmada S/dheer, kaas oo uu shir uga socdo Beesha Bahararsame, shirkaas oo ay ka qaybgaleen qaar ka mida Isimada Dhulbahante, ee Bilahanba ku sugnaa Magaalada Tuka Raq ee Gobolka Sool.
 
Sida wararku sheegayaan maamulka Deegaanka S/dheer ayaa waxay samaysteen ciidamo madani ah oo suga nabadgelyada shirka, kuwaas oo aan ka amar qaadan maamulka Somaliland.

 

Xafiiska Wararka Ceegaag.com

Laascaanod

  

webmaster@ceegaag.com