shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Jamaal Xaaji Cali Cilmi oo ka soo jawaabay Gabaygii 2aad ee Hiirad.

(Edmonton,  Canada. July 04,  2008 Ceegaag Online)

 

 

Halxidhaalihii aan u  diray hawdka iyo xeebta

Oo maanta HABARYOONIS iyo harodigeed yaalla

HARTI kolay ku tahay ama HAWIYE hamaday LIISAANA

HABAR CIISE iyo reer SUBEER iyo huunka  SAMAROONE

Haybtooda  CIISIYO intaa HABARMAGAADLOO dhan

Huwanteeda Soomaalidaa HAWSAN  iyo JIIDDO

Hambalyaan ka helay maansadaan heetisayn jiraye   

Hiil liyo ninkii  hedi waddaan hoos u dhuganayne

Halkaan hoobal caaniyo abwaan hodana eegaayay

Harjad baan u galay aan murtida hoorinteed baranne

Haybtaan ka raacaye ma hubin inuu higgaadshaaye

Ku hungoobay REER HAGAR hadday hobol lahaayeene.

Hohe maxaa tixdaydii hawiray habila’aantayda

 

@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@

 

Hal abuurka maansiyo higgaad heeso iyo laaxin

hanqadh gabaya haasaawe gole hurinta suugaanta

hakad igama galo weedh haddaan soo hankaabsade

hoorriyo nin liitaa yidhaa wuu humaagsadaye

maxaan HIIRAD kala siihadlaa hawjarbaan ahaye.

 

@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@

 

Hebad iyo nin liitaad ku sabi hees walwaalladane

Hadday nabaddu kaa heellantahay hurin malayseene

Haamaha tolkay waa ogyahay heerka aad tahaye

Hanad iyo nin doorkaygi dage hadhaca ceegaage

Hadh ma geeyo aayadii ninkii hooyadii gabaye

Ninka haatan hooskaaga jira ee hamiyiwaayay

Ee wali haloosiga ku nool sida hunnaafiinta

Ee waliba kuu heellanee hadalka kuu keena

Haybtayda maahee ogow HIIRAD gacaliiye

 

@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@

 

haddii nabadi waa hodan  allee lagu heshiinaayo

haamaha SHIRSHOORAAN colaad  HERER u joogeene

aan heshiinno laga waa intay hab isasiiyaane

waa waxay u kala heerinmeen haanka  MAXAMUUDE

hagbaddaas DHULBAHANTAA ku jira  heedhe ii samire

hadhowbay sidii habardugaag hanad cantuugaane

Hawdkaan waxaas laga oqoon hibashadaa baase

Adigaa horseedee ka tali HIIRAD gacaliiye

 

@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@

 

Haddii ay habeen dumay naftii kaa hawada raacdo

Oo malaggi haabiil ahaa kaa hanjarafeeyo

Hooyaa laguu haybiyaa ina heblaadkiiye

haddaan hooyadaa kula ahayn hibiyo liibaanto

hogga aakhiray kuugu iman hadalladeediiye

haybtaad ku haasaawaysiyo hadalku waa beene

hadday adiga kula hawlyartahay aniga way hooy e

waa waxa HADRAAWIBA u yidhi hooyo laasima e

hadalkaaga miisaan abtoow hoorri waa nacabe

 

@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@

 

hadafkeeda maansada haddaan horay u sii raaco

oon kugu  hanqadho mawjaddaad ku hafandoontaaye

Haddaan hurinta reer  FAARAX HAGAR haybe kale keenin

Ooy soo hormariyaan nimaan gabayba haaneedin

Oo aanay hawshaan u diray hoosta ka xarriiqin

Ama aanay GOBI waa hiddee hadiyad ii keenin

Halxidhaalihii waan ka baxay hooriska ahaaye

HAGAR  AADANOOW soo jawaab HIIRAD agabeelye.

Jamaal Xaaji Cali Cilmi

 

 

  

webmaster@ceegaag.com