shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

G/kuxigeenka Gobolka Sool ugu Magacaaban Maamulka Somaliland oo xalay la weeraray.

(Laascaanod, July 15,  2008 Ceegaag Online)

Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Sool ee Maamulka Somaliland Maxamed Faarax Indho Buur oo marka weerarka loo gaystay marayay meel aan sida uga fogayn hoygiisa, ayaa kooxdani ay rasaas ooda kaga qaadeen,iyadoo burbur xoog leh uu soo gaadhay gaadhigii uu watay.
 
Indhabuur ayaan waxyeelo kasoo gaadhin weerarkii xalay lagu qaaday,iyadoo dhawaaqa rasaasta lagu weeraray guud ahaan laga maqlayay gudaha magaalada Laascaanood.
 
Baabuurka Maxamed Faarax Indho Buur  oo waxyeeladu rasaastu aad u saamaysay ayaa soo maray wadada laamiga isagoo orod ku tagay saldhiga dhexe ee degmada,shacab fara badan ayaa kusoo xoomay saldhiga si ay u ogaadaan waxyeelada soo gaadhay Mas'uulkan.
 
Markii uu Mas'uulkaasi gaadhay saldhiga dhexe ee Magaalada Laascaanood oo abaaro saacadu ahayd 7:00 Fiidnimo ayaa waxaa deg-deg u soo baxay ciidankii Booliiska ka dib markii la wareystay mas'uulkaas.
 
Weerarkan Maxamed Faarax Indho Buur  lagu beegsaday habeenkii xalay ahaa ayaa loo malaynayaa inuu xidhiidh la leeyahay niman masuuliyiina oo uu dhawaan xabsiga ay si wadajir ugu taaxaabeen Maamulka Gobolka.
 
Wixii danbe ee soo kordha kala soco wararkeena Dambe.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com

Laascaanod.

  

webmaster@ceegaag.com