shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

C/laahi Cali Gaani oo giraanta ku soo noqday

( Silsildii Gabayada ee Garnaqsi, July 09,  2008 Ceegaag Online)

Waxaa jirtey inaanu usoo jeediney Jamaal iyo Hiirad inay Joojiyaan Gabayadan, Hiirad aad ayuu ugu mahadsanyahay inuu naga aqbalay wuxuuna ku sheegay Gabaygiisii ugu danbeeyey inuu faraha kala baxay. Jamaalna sidaas oo kale ayaanu ka rajeynaynaa. waxaadse moodaa in Jamaal Xaaji wado gabaygii weli, sidaas darteed ayaan gabaygan umarinayaa:

 


Hal abuurka maansadu marbuu haybad leeyahaye.
Hagar Aadan waa kaa ka hadhay Hiirad baa yidhiye.
Haasaawe gabay wuu ka tegey hibashadiisiiye.
Hadimada Colaadeed haday holaca oogeyso.
Hanaan malaha maansadu haday huriso Baaruude.

                              @@@@@@
 
Hawd iyo Nugaal waan ognahay Haradii Ciideede.
Higta weerar bay goor barqa ah naga haqsiiyeene.
Hubanida sideedii hadaa loohudamayaaye.
Haatufkaan dhanbaalada Ninyohow halow nidhaahaaye.
Hadaf malaha Soomaaliyoo way habqamaysaaye.
Hadii hugun baxaayoo naflaha lagu halaagaayo
Hareeraha haday wadahayaan duul hunguri qaaday.
Haygu digan Jamaal yaan Ilaah hooto kugu goyne.

                                @@@@@@

Hadaan hogotusaaleeyo hoos u dhaadhacaye.
Heshiiskii ladhigo markaad habacisoo diido.
Hadii lays haleelana warmuhu hanaqa ay gaadhi.
Haadka iyo waraabiyo Tukuhu hilibka ay feenan.
Hadhawtana hanaan quruxsanow heeso soo tirisid.
Hartiguba siduu kuu fahmaa hoogu waa adiye.


                                  @@@@@@

Hayaagana waxaan odhanlahaa Inankan soo haabta.
Hadaayada Ilaah baa haya ama hanuunkiiye,
Halyeygii Lafooliyo Ragbay hibanaysaa laabtu.
Hadyigii Quraankiyo Ancaam Huud ku yabareeya.
Heegan geliya Culimada oo ninkaas hoos wax ugu sheega.

                                  @@@@@@
 
Halyarna waxaan ku dhihilaa Hartiga Hawdka sare jooga,
Heegaale weyniyo Qararo iyo hilinka Buuhoodle,

                                   @@@@@@

ama Harada Ceegaag  dhulkii hibadu ay taaley.
Heelada ninkaas tumanayee idin halaajeeyey.
Hawbixina isagaa harjadi meel haraad badane.
Aniguna halkaasaaban dhigay hadal danbaan sheego.
Halkaagaa kamiis Inaadeer heestay keligaaye.


 
Waxaa tiriyey: C/laahi Cali Gaani.

 

  

webmaster@ceegaag.com