shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Axmed Cabdi Geelle oo Ku Soo Biiray Giraantii Gabay ee U dhexaysay Jamaal Xaaji Cali &Maxamed Hiirad

(Gal-Cayneed,  July 06,  2008 Ceegaag Online)

 

Iyadoo ay Giraantii Gabay ee u dhexaysay labada Abwaan ee Jamaal Xaaji Cali Cilmi & Xaaji Maxamed Hiirad ay gashay meel xaasaasi ah ayaa dhanka kale waxaa muuqda in Abwaano ka tirsan Ardaaga Xaaji Maxamed Hiirad (Axmed Garaad) ay soo gacan geliyeen giraanta oo ay u hiilinayaan Abwaanka ay isku Ardaaga yihiin, waxaana Abwaanadaas ugu Horeeya Abwaab Axmed Cabdi Geelle oo tixdan soo tiriyey.

Ha,da maanso hooyale gabay ha, iyo wowgeeda
hagar kama idlaan weli ragay hibadu saarayde
iyagaa higaadiyo yiqiin hoorin iyo luuqe
hiiradow sidii samatar baad u hido raacdaaye
tolka kuma habaartide ducaad hagac ka siisaaye
hagar iyo hayaag baad wacdiga hooya leedahaye
hareertaad nagaga beegantaa loo hanweyn yahaye
waxaad hiigsataa meel sariyo haybta guudnimo,e
ninkii nabada ka hataaraya iyo dib u heshiisiinta
waa lama huraan gabay inuu kugu hujuumaaye
wixiise hor umar nooo keenayaa lagu hanuunaaye
hanjabaadda qaarkeed naftay hadimo yeeshaaye
haybadda mar buu kaa ridaa hadalka qaarkiiye
jamaal ma hubsan weedhay hadeer hirarku qaadeene
haasaawi maayee beluu noo hor kacayaaye
hayaagow ka soo hadha ninkaa gaaya hadalkiisa


#################################


haabiil waxaa diley midkay habar wadaageene
laba hooyo wada dihatay baa haamadays jaraye
raggu ways halgaadaa misana laga heshiiyaayey
hoogayeeydu waa yeedhaysaa labada haamoode
hablo hadii la kala guursaday oo geel la kala haabtay
hargawaaxu ma haboone oo hibasho waa ceebe
nin habaar qabaa jebiya nabad loo hanweyn yahaye
haawiya waxaa gala ninkii huriya baaruude
hayaagow ka soo hadha jamaal gaaya hadalkiisa


################################


habaryar iyo hooyo iyo abti baad hilib wadaagtaane
hantidaa isugu kiin jirtiyo hiilka guudnimo,e
habaryoonis iyo ciida gale habar xabuushleydu
hagar idiinma dhaamaan ninkii haarayaan garane
hantiday idiin hurahayaan had iyo jeeraale
haadaamo qodan bay rabaan inaad haleeshaane
habar waaga idinkama jeclee waydin hodayaane
dalkaba inay hantaan bay wax badan ku hamiyaayeene
hayaagow ka soo hadha jamaal gaaya hadalkiisa


###################################


honkoro iyo kuleyl iyo abaar hugufku duulaayo
ama hayaan kob dheer loo harjaday geedi lagu heermay
ama haraad biyaha booyaduhu hawda kugu dhaafi
sicir barar habsaday iyo dagaal huushtu nagu haysto
hadh qabow nin joogoo fadhiya kanada hoosteeda
oo hawl yaraan qaba tashiga looma haansado,e
hayaagow ka soo hadha jamaal gaaya hadalkiisa.

Axmed Cabdi Geelle

Xigasho: Buuhoodlemedia

 

  

webmaster@ceegaag.com