shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xukuumada Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Baar-lamaanka Somalia oo si wada jira ugu guuridoona Magaalada Muqdisho.

(Baydhabo, January 16, 2008 Ceegaag Online)  

Wararka aanu ka heleyno Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegaya in Xukuumada iyo Baarlamaanka maalmaha soo socda ay usoo guuri doonaan Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Baarlamaanka oo xarun u ah Baydhabo ayaa halkaas ka soo guuri doono sida ilo lagu kalsoonyahay ay sheegayaan, waxaana Baarlamaanka uu saldhig ka dhigan doona Xarunta gaadiidka Booliska ee lagu qabtay Shrikii Beelaha Soomaaliyeed sanadkii hore

Xubnaha Baarlamaanka iyo Xukuumada ayaa la sheegay in qeyb qeyb ay Muqdisho u imaan doonaan, maalmaha soo socda, si howlahooda ay horay ugu sii ambaqaadaan Magaalada Muqdisho.

Xarunta Gaadiidka Booliska ee Degmada C/casiis oo horay loogu qabtay shirkii dib u heshiisiinta Beelaha Soomaalida ayaa la sheegay in ay noqon doonto Xarunta Baarlamaanka iyo halka uu ku shiri doono tan iyo inta laga dayactirayo Xaruntii hore ee Baarlamaanka.

Wariyeyaal ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa soo sheegaya in Baarlamaanka uu isu diyaarinayo in Muqdisho uu usoo guuro, si ay ugu sii shaqeeyaan mudada halka sano ee u harsan Baarlamaanka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kajira iska hor imaadyo iyo qaraxyo ayaan la ogeyn sida ay ugu sii shaqeyn karaan Xubnaha Baarlamaanka, xilli ugaarsi lagu hayo Xubnaha Dowladda Federaalka uu sii kordhayo.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com