shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xaflad lagu maamuusayay maalinta Warbaahinta Soomaaliya ayaa ka dhacday Magaalada Muqdisho.

(Muqdisho, January 21, 2008 Ceegaag Online)  

Xafladan oo ay soo qabanqaabiyeen ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed ee fadhigoodu yahay Magaalada Muqdisho,ayaa lagu xusayay maalinta warbaahinta Soomaaliya ,waxaana lagu soo bandhigay xadgudbyada loo gaystay suxufiyiinta iyadoo loo gaysto dil dhaawac jirdil iyo xarig mudo dheer qaata iyadoon la hor keenin maxkamad.

Ra’iisal Wasaare ku-xigenka koowaad ahna Wasiirka Warfaafinta,dhalinyarada iyo isboortiga Axmed C/salam Xaaji Aadan ayaa ka qaybgalay xafladaas waxaa  uu shregay in wax laga qaban doono tacdiyada ay tabanayaan masuuliyiinta warbaahinta isagoo xusay in la sii dayn doono saxafiyiinta dowlada u xiran marka la ogaado sababta ay u xiran yihiin .

Waxaa xaflada qadka taleefoonka isna uga qaybgalay Ra’isal Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde),isagoo muujiyay sida uu u taagersan yahay bahda Saxaafada wax uuna balan qaaday in la tayendoono korna loo qaadi doono Aqoonta Saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa bahda warbaahinta u rajayeeyay inay gacan ka geystaan nabadeeynta dadka iyo dalka kuna booriyay in aysan Colaad kasii hurin Wadanka Soomaaliya.

Xaflada  ayaa lagu soo bandhigay sawirada saxafiyiintii geeriyootay Sanadkii tagay  iyagoo ku guda jira shaqada saxaafada waxaa kaloo lagu mujiyaya Saxafiyiinta hada u xirxiran Maamulka Gobolka Baanadir. 

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com