shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xaalada Magaalada Muqdisho ayaa  degan inkastoo qaar ka mid ah wadooyinka ay Saaka xiran yihiin.

                                               (Muqdisho, January, 09 2008 Ceegaag Online)   

Xaalada Muqdisho ayaa ah mid dagan isla markaana aysan wax iska hor imaad ah oo ka dhacay xalay iyo Saaka, waxaana ka muuqda deganaan goobihii shalay dagaaladu ay ka dhaceen.

Shalay ayay ahayd markii in ka badan 10  ruux, ku geeriyoodeen Dagaal  dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo Kooxaha nabad diidka ee Dagaalada ka wada Magaalada Muqdisho, iyadoo ay jirtay dad deegankaasi shalay ka barakacay.

Ciidamada Dowladda Federaalka  iyo kuwa Itoobiya ayaa dib uga baxay deeganka Suuqa xoolaha halkaasi oo shalay gelinkii dambe iska hor imaad kale uu ku dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo Kooxaha kazoo horjeeda Joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Gudaha Somalia.

Wadooyinka ayaa badanaa xiran , iyadoo si rasmi ah loo xaqiijin karin sababaha loo gooyay wadooyinkaasi, waxaa kaloo  istaagay isku socodkii gaadiidka dadweynaha ee isticmaali jiray Xaafadaha Xamar weyne, Suuqa Bakaaraha, Maka Al-mukarama, KM 4.

Xirnaanshaha wadooyinkaas ayaa la ogeyn sababta salka ku hayso, mana jiraan wax baaritaano ah oo Ciidamada Dowladda ka wadaan nawaaxiga wadaas, sidoo kale waxaa la hadal hayaa in wafdi Balaadhan oo uu Hogaaminayo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi imaan doono magaalada Muqdisho

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com