shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Sarkaal ka tirsanaa Ciidamadii hore ee Booliska Soomaaliyeed oo xalay lagu dilay Magaalada Caabud-waaq.

(Caabud-waaq, January 22, 2008 Ceegaag Online)  

Mid kamid ah saraakiishii hore ee Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa xalay waxa ay kooxo hubeysan ku dileen degmada Cabud-waaq ee gobolka Galgaduud.

Ninka la dilay oo lagu magacaabi jiray Alle ha u naxariistee Bashiir Jaamaca Gurbe (Wadaad yare) ayaa kooxo hubeysan waxa ay ku toogteen bartamaha degmada Caabud-waaq, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan sababaha ka dambeeya dilka marxuumkaas.

Ma cadda sababta dhabta ah ee ka dambeysa dilka sargaalkaan, waxaana jira warar aan la xaqiijin oo sheegay in dilkiisa uu salka ku hayo aano qabiil.

Kooxihii dableyda ahaa ee geystay dilka marxuumka ayaa la sheegay in ay baxsadeen, iyadoo ciidamada amniga ee ka howlgala degmadaas ay baadi goob ugu jiraan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen kooxaha geystay dilka.

Dilka sargaalkan ayaa waxa uu walaac xooggan ku abuuray dadka ku dhaqan degmada Cabud-waaq ee gobolka Galgaduud, iyadoo saakay lagu wado in meydka sargaalkaas lagu aaso degmada Caabud-waaq.

Marxuumka ayaa kamid ahaa saraakiishii ciidamada Booliska Soomaaliyed ee la shaqeynayey dowladdii Gen. Maxamed Siyaad Barre, isagoo xiligii ugu dambeeyey ahaa taliyaha qeybta booliska gobolka Baay.

Dilalka loo geysto saraakiisha Soomaaliyeed ayaa ku soo badanya gudaha Soomaaliya, iyadoo horey loo dilay saraakiil badan oo Soomaaliyeed.


Axmed Aadan
Xafiiska wararka Muqdisho,  Somalia

  

webmaster@ceegaag.com