shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in wada hadal u bilowday Dowladda Federaalka iyo Kooxaha Mucaaradka.

(Somalia, January 16, 2008 Ceegaag Online)  

Wada hadalo xeer hooseed ah ayaa u bilowday sida ay sheegtay Qaramada Midoobay Dowladda Federaalka ee uu hoggaaminayo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo kooxaha mucaaradka ee fadhigooda yahay Magaalada Asmara ee dalka Eritarea.

Sida uu sheegay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Mr Ahmedu Ould Abdallah wada hadaladan waxay u muuqdaan kuwa qaab wanaagsan ku bilowday, loona baahan yahay in Beesha Caalamka gacan weyn ka geystaan sidii loo horumarin lahaa wada hadaadan u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Mucaaradkeeda.

Inkastoo toddobaadkii aynu soo dhaafnay ninka Madaxda u ah kooxaha mucaaradka ee Asmara fadhigooda yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed  caddeeyay inta Dowladda Federaalka sheeganayso Dowlad inaysan la kulmi doonin waa sida uu hadalka u dhigay.

Ma uusan sheegin Wakiilka Qaramada Midoobay uqaabilsan Arrimaha Somalia Mr Ahmedu Ould Abdallah  goobta ama meesha wada hadaladan ka bilawdeen iyo kooxaha hadda ka qeyb qaadanaya wada hadaladaas.

Sida la ogsoon yahay kooxaha Asmara ku sugan waxay shuruud uga dhigeen wada hadal ay la galaan Dowladda Federaalka KMG in marka hore Ciidamada Itoobiya ka baxaan Gudaha dalka Soomaaliya.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com