shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Mudnayaasha Baarlamaanka oo Maanta lagu wado in ay codka kalsoonida Siiyaan Xukuumada RW Nuur Cadde.

                                               (Baydhabo, January, 10 2008 Ceegaag Online)   

Baarlamaanka Dowlaada Federaalka Soomaaliya ayaa Saaka lafilayaa inay codka Kalsoonida siiyaan Xukuumada Ra'isul wasaare Nuur Xasan Xuseen Nuur Cade , iyadoo Amaanka magaalada Baydhabo si weyn loo adkeeyay.

Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa u dareeray xaruntooda magaalada Baydhabo si ay halkaasi Codka kalsoonida usiiyaan Xukuumada cusub ee Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, waxaana saaka lagu arkayaa wadooyinka soo gala xarunta shirka ciidamo aad u farabadan oo isugu jira Itoobiyaan iyo kuwa Dowladda Federaalka si ay aad ula socdaan dhacdhaqaaqa goobta shirka, si dooda xildhibaanada iyo cod u qaadida Xukuumada ay u dhacdo si nabadgalyo ah iyadoo ay jiraan Xildhibaano tiro yar oo ka biyo diidsan dhismaha Xukuumadda Nuur Cadde kuwaas oo u badan Xildhibaano horey Wasiiro uga ahaan jireen Xukuumadihii hore kuwaas oo iska waayay Liiska Golaha wasiirada cusub.

Xildhibaano uu horseed ka yahay Afhayeenka Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxay doonayaan in cod u qaadista Xukuumadda Nuur Cadde laga dhigo gacan taag, iyadoo meesha laga saarayo xubnaha labo wejinimada ku socda, halka xubno fara badan oo u badan raggii Wasiirada ahaan jiray ee hadda iska waayay liiska Golaha Wasiirada cusub ay doonayaan in cod u qaadista laga dhigo cod qarsoodi ah.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com