shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Kooxo hubeysan ayaa hal qof o rayid ah dilay tiro kalena dhaawacamay markii ay tacshiirad huwiyeen gaari rakaab ah oo marayey deegaanka Maroodiley oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

(G/hiiraan, January 26, 2008 Ceegaag Online)


Qofka dhintay ayaa kamid ahaa rakaabkii saarnaa gaariga, waxaana dadka ku dhaawacmay rasaasta ay kooxaha hubeysan ku fureen la dhigay isbitalka magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Gaariga la rasaaseeyey ayaa ka yimid dhulka ay Soomaalidu degto ee kilinka 5-aad, iyadoo gaarigaas uu ahaa xamuul ku soo jeeday magaalada Muqdosho.

Wararka laga helayo magaalada Baledweyne ayaa sheegaya in xaaladda caafimaad ee dadkii ku dhaawacmay rasaasta ay kooxaha hubeysan ku fureen ay soo hagaageyso.

Kooxo burcad ah oo falal isugu jira dalal dhac iyo kufsi ka geysta gobolka Hiiraan ayaa maalmihii u dambeeyey ku soo kordhayey wadadau dhexeysa gobolka Sh/ dhexe iyo gobolha Hiiraan.

Xafiiska Wararka ee Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

Ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com