shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Gaadiidkii Bl-ka ahaa ee ka dhex shaqeyn jiray Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Banaadir oo saaka shaqo joojin ku dhaqaaqeen.

(Muqdisho, January 16, 2008 Ceegaag Online)  

Muran Ka dhashay Calaamadaha Taarigada Gawaarida Bl ka Ee ka shaqeeysa gobolada Shabeellaha Hoose iyo Gobolka Banaadir ayaa saaka hakad galay isu socodkii gaadiidka Labada Gobol.

Darawalada gaadiidka gobolada Shabellada Hoose iyo Banaadir ayaa maanta waxaa soo food saartay shaqo la’aan baahsan kadib markii ay soo kala dhex galeen labada gobol muran ku aadan taarigada labada gobol waxaana gaarigii sita taarigada gobol ka mida labadaasi uu u talaabin kan kale hadii kale laga qaadayo lacag dhan 500,000 shan boqol kun shilin Somali.

Saaka waxaa istaagay dhamaan Gaadiidkii BL-ka ahaa ee ka shaqeyn jiray Labada Gobol, waaxaan dadkii soo aadi jiray magaalada Muqdisho ay saaka ku xaniban yihiin degmada afgooye ee gobolka shabeellaha hoose halka kuwa kale ee iyana aadi jiray deegaanada gobolka Shabeellaha hoose ay hor tuban yihiin goobaha laga raaco gaadiidka aada gobolkaasi.

Weli wax war ah kama soo bixin maamulada Gobolka Banaadir iyo kan shabeelada Hoose oo ku aadan dhibaatada soo food saartay gaadiidka isaga kala gudba Labadan Gobol.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com