shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dibad bax lagaga soo horjeedo mudaharaad ka dhacay Buuhoodle shalay oo ka dhacay magaalada Yagoori isla shalay.

(Yagoori January 18, 2008 Ceegaag Online)  

Waxaa maanta ka dhacay magaalada Yagoori dibadbax lagaga soo horjeedo mudaharaadkii ka dhacay buuhoodle. Mudaharadkas oo ay soo qaban qaabiyeen Odayaasha iyo bulshada reer Yagoori, waxa ka soo qayb galay dadweyne aad u tira badan.

Odayaasha oo ka hadlay mudaharaadkaas ayaa waxay sheegen in ay isku dayayaan in ay xal dhameystiran ka gaadhaan malaashiya beeleedka lagu soo uruuriya magaalada Dhabansaar balse uu hadalkii odayaasha Dhabansaar ka madax adigay ninkii horkacaya maleeshiyo beeledkaas reer Buuhoodle Col. Dayre Cabdi Iska toos oo ka mid ahaa raagi qabsaday magaalada Laascaanood.
Odayaasha oo u sheegay in an maanta loga bahnen in Dhabansaar la soo dhobo ciidamo beeleed, waayo beeshani hore bay colaad la dhaxe dhigay 1988 Iyaaga iyo Beelo ka soo jeeda Gobollada Togdheer taas oo dhulbahante kaga baxay colaad iyaaga iyo beelaha Isaaq. Marka Dayro hadii aad rabto in aad la dagaalonto Isaaq ina keen anaga kula qadayna dagaal Caynba iyo Isaaqba hadii kale orad oo ku bira dagaalka magaalada Gambadhe iyo Tukaraq amaba kula noqo ciidamadad tuulada bali hadhac iyo howd ba.

Baaqa iyo mudaharaadka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dagaallo dhawaan ka dhacay Xadka u dhaxeeya degmooyinka laascaanood iyo buuhoodle, taa oo sababtay in aa kala qabsadan maxaabiis labad maamul ee soomalilnd iyo puntland.

Dagaalka ka soo cusboonaaday magaalada Dhabansaar ee degmada Yagoori ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dabayaaqadii sanadkii hore ee 2007 gacanta ay u gashay magaalada Laascaanood maamulka la baxay Somaliland, colaad in muddo ah u dhaxeysay labad maamul ee Puntland Iyo Somaliland iyadoo ay xusid mudan tahay in Odayaasha labad degmo ee Laascaanood iyo buuhoodle ee beesha Jaamac Siyaad shir ay ku yeeshin magaalada Laascaanood 2004 oo u hoggaaminayey garaad Ismaacil Ducaale iyo Cuqaasha beesha ku soo saaren in la kala qado labad Ciidan ee ku soo wada dulay magaalada Laascaanood.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, dagaalka dib uga soo cusboonaaday Xadka u dhaxeeya labada degmo ayaa wuxuu yahay midkii koowaad oo dhexmaray labada ciidan tan iyo markii uu bilowday sanadkan cusub 2008, iyadoo la xusuusan yahay in dagaallo horay u dhexmaray labada maamul oo geystay dhimasho iyo dhaawacba.Ugu dambayn Odayaashu waxaan ugu baaqayaa dhammanba beesha Dhulbahate in meel looga soo wada jeesto kooxda ka Hargeysa iyo Garoowe iyo nimanka kala taabacsan maamullada Somaliland ee ka soo jeeda Dhulbahante.


Xigasho: HolHol

  

webmaster@ceegaag.com