shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dagaal xoogan ayaa goor dhow ka qarxay Faaf-gumarre oo qiyaastii 10-KM dhanka Bari kaga beeg-an Magaalada Baledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.

(Beledweyn, January 29, 2008 Ceegaag Online)

Dagaalka oo u dhaxeeya kooxo hubeysan iyo ciidamada maamulka gobolka Hiiraan ayaan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay, waxaase wararka laga helayo magaalada Baledweyne ay sheegayaan in dhaawaca 3-kamid ah askarta Dowladda la dhigay isbitaalka guud ee magaalada Baledweyne.

Dagaalkaan ayaa la sheegay in uu qarxay markii kooxo hubeysan ay weerar ku soo qaadeen goob ay fariisin ku lahaayen ciidamada maamulka gobolka Hiiraan.

Daryanka hubka ay isweydaarsanayaan labada dhinac ayaa si weyn looga maqlayaa xaafadaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana dad socoto ah ay sheegeen in dagaalku uu ku faafay deegaano cusub.

ilaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin maamulka gobolka Hiiraan ee uu hogaamiyo Yuusuf Dabageed kaas oo la xiriira dagaalka halkaas maanta ka qarxay.

Dagaalkaan ayaa imaanaya kadib markii dhawaan kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen goob fariisin u aheyd ciidamo isugu jira Itoobiyaan iyo Soomaali.

Xafiiska Wararka Ceegaag Online Muqdisho, Somalia

Axmed Aadam Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

 

  

webmaster@ceegaag.com