shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dagaal caawa fiidkii ka qarxay degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho.

(Muqdisho, January 13, 2008 Ceegaag Online)  

Caawa Fiidkii ayaa waxaa mar qura dagaal uu ka qarxay inta u dhaxaysa Cisbitaalka Carafaad iyo Isgoyska Telefishinka oo ka tirsan Degmada Yaaqshiid, dagaalkan oo la isku adeegsaday madaafiicda iyo hubka kala gadisan ayaa ku bilowday weerar gaadmo ah oo lagu soo qaaday fariisimo ciidamada dowladda Federaalka ku lahaayeen aagaas.

Dagaalkan oo ahaa mid xoogan isla markaana laga maqlayay qaar ka mid ah xaafadaha magaalada muqdisho ayaa waxa uu socday mudo hal saac ah,

Ilaa iyo Hada lama oga khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka ka dhashay iyadoo aysan jirin socodka dadka ama gaadiidka oo xiligan ay tahay habeen.

Dhinaca kale qeybo kamid ah degmada Yaaqshiid ayaa caawa laga maqlayaa Rasaas xoogan iyo Madaafiic kuwaasi oo ay isweydaarsanayaan Ciidamada Dowladda iyo Kooxaha kacdoonka ka wada Magaalada Muqdisho.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com